WararkaWaxbarashada

Haraadiga Aadanihii Ugu Horreeyay oo Laga Helay Dal Carbeed

Wasaaradda Dhaqanka dalka Morocco ayaa ku dhawaaqday Arbacadii, 7, June, 2017, in koox cilmibaaryaal ah oo iskugu jira Moroccan iyo Jarmal ay heleen haraadiga aadanihii ugu horreeyay oo laga helay buurta Ighoud ee ku taalla gobolka Yusufiya ee dhaxbartamaha boqortooyada.

Wasaaraddan oo soo saartay bayaan ay uga hadlayso daahroggan cusub ayaa waxay ku sheegtay in la helay haraadiga aadanihii ugu horreeyay,  lafo Deero iyo maacuun dhagaxaan laga sameeyay oo ay adeegsan jiraa dadkii daganaa buurta Ighoud.

Haraadigan la helay ayaa taariikhdiisa lagu sheegay inuu ahaa 300 kun oo sano ka hor, iyadoo da’da lagu ogaaday tiknoloojiyadda shucaaca ah ee lagu ogaado da’da.

Wasaaradda Dhaqanka Morocco ayaa tiri: “Lafaha la helay waxaa lagu tiriyaa iney yihiin lafihii ugu da’da weynaa ee laga helo haraadiga aadanihii ugu horreeyay, da’diisu waxa uu ka sarreeyaa aadanahii caaqilka ahaa ee ugu horreeyay ee haraadigiisa la helo kaas oo da’diisu uu gaarayay 100 kun oo sano”.

Sida ay sheegayaan labo cilmibaaris oo lagu faafiyay Arbacadii jariidada cilmiga ah ee dalka Jarmalka ee “Nature”, waxay tiri, xilliyadii hore waxaa la aaminsanaa ka hor daahroggan Morocco, in aadanuhu uu ka soo askumay bariga Afrika, bani’aadamkii ugu horreeyayna ay da’diisu ahayd ku dhawaad 200 kun oo sano ka hor.

haraadiga aadanaha

Baaritaanno ay sameeyeen koox culumo ah oo ku takhasustay cilmiga aadanaha oo uu hoggaaminayay Jean-Jacques Hoblin, ayaa sheegay in waxyaabaha haraadiga ah ee laga helay buurta Ighoud ee dalka Morocco uu yahay shaki la’aan mid muujinaya in aadanihii ugu horreeyay uu qeyb ballaaran oo Qaaradda Afrika ah uu daganaa 300 kun oo sanno ka hor.

Si kastaba, caalimka Jean-Jacques ayaa qaba in haraadiga la helay uu yahay kii ugu dhawaa uguna wakhtiga dheeraa ee laga helo asalkii aadanaha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close