arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ra’isul wasaare Kheyre oo Ballanqaaday Dhismaha Xaruntii Weynayd ee Jaamacadda Ummadda ee Gaheyr

Ra’iisul wasarahada Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo boqolaal arday kula hadlay Arbacadii gudaha jaaamcadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ballanqaaday iney dib u dhisidoonaan xaruntii weynayd ee Gaheyr.

Sida aan ka soo xigannay wakaaladda wararka ee SONNA, Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in dib u howlgelinta jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ay tahay Astaan Qaran, isoo ballanqaaday in xukuumaddiisu xoogga saari doonto sidii dib loogu dhisi lahaa xarumuhii jaamacadda gaar ahaan xaruntii weyneyd ee Gaheyr.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumarin kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marinaa tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka. Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka, dhalinyarada maanta hortayda fadhida waa mustaqbalkii bari iyo hoggaamiyeyaashii ina badeli lahaa”, ayuu yiri, Ra’isul wasaare Kheyre.

Ugu dambeyn, muddo ku siman Dhowr iyo Labaatan sanno ayaa ardayga Soomaaliyeed waxaa waxbarashadiisa la tacaalayay waalidka oo waayay adeeggii dowladeed ee ka damaanad qaadi jiray waxbarashada.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close