WararkaWaxbarashada

Shirkadda Iphone oo Soo Hindistay Hab Cusub oo Dadka Naftooda Lagu Badbaadinayo

Shirkadda Apple ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo khuseeya taleefoonnada IPhone oo looga golleeyahay in wadayaasha gaadiidku aaney ku mashquulin taleefannadooda inta ay ku gudajiraa kaxaynta gawaaridooda.

Isniintii, 5, June, 2017 ayaa shirkaddu ku dhawaaqay barnaamijka cusub oo la magac baxay “Do Not Disturb While Driving”(Ha Ku Dhibin Dadka Xilliga Baabuur-wadidda), barnaamijkan ayaa qarinaya astaamaha dareenka in farriin ku soo gaartay ee dhanka mobile-kaaga, waa marka ay farriin kaaga tirmaaddo dhanka Bluetooth amaba Cable-ka.

Barnaamijkan cusub ayaa diyaar noqonaya inta lagu guda jiro sanadkan, waxaanuu diyaar noqonayaa xilliga ay shirkaddu suuqyada ku soo deynayso nidaamka cusub ee Apple iOS 11, kaas oo dadka adeegsada u suurtogelinaya marka aad gaariga waddo inuu dadka u celiyo farriimo ah in aad mashquul tahay amaba aaney xilligan ku heli karin.

Jariidada New York ee dalka Mareykanka ka soo baxday ayaa tilmaan ka bixisay nooca farriinta dadka u soo dhacaysa oo Labo nooc ah: “Gaari ayaan wadaa, waxaan farriintaada arki doonaa marka aan gaaro goobta aan rabo”., haddii arrinku uu degdeg yahay farriintaada raaci degdeg markaas ayaan arkayaa farriintaada”.

Waxaa xusid mudan in ku dhawaad 8 qof ay ku geeriyooto halka ay dhaawacmaan illaa 1161 maalin kasta gudaha dalka Mareykanka, dhibaatadaas oo ay sabab u tahay shilal baabuur oo dadka darawaliinta ah ay mas’uul ka yihiin, waana sida laga soo xiganayo xarumaha la dagaallanka iyo  ka hortagga cudurrada.

Tallaabadan ayaa shirkadda Apple aad loogu ammaanay iyadoo shirkadaha kale ee Samsung iyo Nokia laga codsaday iney qaadaan tallaabooyin noocan oo kale ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close