WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno Daaha ka Rogay Sirta tsunamidii Japan ee 1586-dii

Trio Saynisyahanno ah ayaa xaqiijiyay iney gaareen macluumaad caddeyn u ah asalka tsunami ku dhufatay xeebaha Sanriku ee dalka Japan sanadkii 1586-ka, taas oo dadbadani ay ku dhamaadeen.

Tsunaamidaas ayaa ahayd halxiraale in muddo ah ay culumadu la wareersanaayeen sababtii keentay, iyadoo ay jirtay in la sii ogaa in tsunaamidu ay ka dhalatay dhulgariir dhanka badda ah, waxaase la ogeyn halka uu ka bilowday iyo sababtii ka dambeysay.

Cilmibaarisyadii ugu dambeeyay ee arrinta laga sameeyo ayaa tiro ka mid ah saynisyahanno la shaqeeya saynisyahanka weyn ee Rit Butler oo ka tirsan jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, ayaa waxay sheegeen: “Dadbadan waxay aamineen xilliyadii hore in dhulgariirkii ba’naa ee ku dhuftay gobolka Peru uu sabab u ahaa tsunami weyn oo halkaa ka dhaca, laakiin baaritaanno laga sameeyay dhagaxaanta laga helay xeebaha Sanriku kadib aafadaas waxay meesha ka saaraysaa aragtidaas, marka aan ku darsanno dhulgariirka ka dhacay Peru oo ahaa mid aan sidaa u sii xoog badneyn oo aan noqon karin mid saameyntiisu ay gaari karto illaa dalka Japan”, waana sida laga soo xiganayo website-ka Phys.opr oo ay saynisyahnnadu la hadleen.

Waxay intaa ku dareen: “Cilmibaarisyo muddo dheer ah ka dib waxaan ogaannay in dhibaatadu ay ka dhacday dhulgariir ku dhuftay jasiiradaha “Aleutian” ee u dhawo Alaska, dhulgariirka halkaa ka dhacay waxa uu gaaray illaa 9.25 darajo ee halbeegga Richter ee lagu qiyaaso dhulgariirka”.

Waxay farta ku fiiqeen in cilmbaarisyada ay sameeyeen ee dhanka tsunamida ay tahay mid wax ka tareysa ogaanshiyaha goobaha iyo jasiiradaha khatarta ugu jira tsunamida ee ku yaalla gobolka “Suunka dabka ee badweynta Pacific”.

Gobolka fire belt(suunka naarta) waa dhul ka tarisan xeebaha badweynta Pacific iyo jasiiradahooda oo ah goobo aad ugu nugul dhulgariiryada dhanka badda ah.

manoa-soest-sanriku-tsunami-sinkhole

Maandeeq FM

Related Articles

Close