UncategorizedWararka

Shirkadda Google oo Soosaartay Website Cusub oo Laga Ogaanayo Jihada Qiblada

Shirkadda Google ee caalamiga ah ayaa sameysay website u gaar ah oo laga ogaanayo jidaha ay Qibladu ka xigto qofka daneynaya, si sahlan oo hadana aad u heer sarreysa, iyadoo adeeggan cusub lagu soo beegay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Adeeggan ay bixineyso shirkadda Google ayaa yimid kadib markii Muslimiin badan oo adeegsada Internet-ka ay ubaahdeen adeeg website amaba barnaaij gaar ah oo lagu ogaanayo jihada qiblada xilliyada Salaadda iyadoo la adeegsanayo Mobillada.

Google ayaa sheegtay in qofka adeeggan raba uu galayo websiteka  g.co/QiblaFinder oo uu halkaa ka ogaanayo jihada ay qibladdu ka xigto, waxa uu kuu sheegayaa halka ay qibladu kaa xigto iyo inta ay u jirto jihada uu kuu tilmaamay.

jihada qiblada

Maandeeq FM

Related Articles

Close