WararkaWaxbarashada

Tartanka Qur’aan Akhris ah oo Loo Qabtay Ardayda Magaalada Boosaaso Oo Lasoo Gabagabeeyay

Waxaa soo gabagaboobay tartanka Qur’aanka kariimka ah ay ugu tartamayeen ardadyda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Tartanka oo ay soo qabanqaabisay mu’asasada Dacwadda iyo Horumarinta ee Alminhaaj ayaa xafladdii lagu soo afmeerayay waxaa ardayda loogu qabtay Magaalada Boosaaso, iyadoo ka dhacay masjidka weyn ee Al-Rowda, waxaana abaalmarinno kala duwan halkaa lagu guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha ugu horreeya ka gashay tartanka.

Tartanka oo ahaa mid lagu tartamayay 30 jus, 20 kuj, 10 jus, 5 jus, ayaa abaalmarinnada loo kala helay sidan:-

30-ka Jus

Kaalin 1aad: C/lahi C/kariim Siciid, kana socday Dugsiga Ibnu Baaz.

20-ka Jus

Kaalinta 1aad: C/shiid Jaamac Ismaaciil, kana socday Dugsiga Ibnu Baaz..

10-ka Jus

Kaalinta 1aad: Khaalid Sh Daahir Awcabdi, kana socday Dugsiga Daru Al-Qur’aan.

5-Ta Jus

Kaalinta 1aad:  Ibraahim C/laahi Cali, kana socday Dugsiga Daru Al-Quraan.

alRowdah alrowdaha masjidka alRowda qur'aan akhris

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close