WararkaWarbixinno

Xikamado Faa’ido Badan oo Aan Idinka Soo Xulnay Buugga Caadada 8aad ee Stephen Covey

Haddii aad horey u daalacatay buugga “Caadooyinka Todobada ah ee dadka dunida ugu saameynta badan”, waxaa jira buug kale oo la magacbaxay Caadada 8aad  oo ka dambeeyay buugaasna lagu dhameystirayo oo uu qoray isla qoraaga buuggaa hore ee Stephen Covey oo ah qoraa caalami ah, buugaagtiisun ay yihiin kuwa ugu iibsiga badan Dunida.

Hadaba qeybo ka mid ah buugga oo faa’ido badan ayaan idinka soo xulnnay ee ka bogosho wacan:

1 – Dadku caqli kuma wada shaqeeyaan maslaxaddooda oo kaliya ayunbay ka fakaraan, hadana sidaas oo ay tahay Jeclow.

2 – Haddii aad samafal sameyso dadka qaar waxay kugu tuhmidoonaan iney waxyaabo kale uu ku riixayaan,  arrintaasi yaaney ku saameyn, markasta samafalka wad oo ha joojin.

3 – Haddii aad guulo gaarto waxaad yeelandoontaa saaxiibbo aan kuwo rumaad ahayn iyo cadow dhab ah, xilli kasta guulahaaga sii wado.

4 –  Wanaagga aad maanta fasho barri dadku way illaawi doonaan, markasta wanaaga samee oo ha oran kii shalay maxaa loo illoobay.

5 – Runta iyo warcadidu waxay kuu keenayaan canaan farabadan, laakiin markasta runta sheeg saraaxina noqo oo runta haka ganban.

6 – Ragga kuwooda ugu heerka sarreeyay iyo dumarka kuwooda ugu caqliga iyo fikaradda wanaagsan waxaa joojin kara dadka kan ugu caqliga liita, sidaa darteed markasta hamigaaga sare hakugu jiro oo haka tanaasulin.

7 – Dadku way jecelyihiin dadka taagta daran, laakiin markasta waxay la saftaan kan ugu tunka weyn, dhibaato kasta u mar dadka taagta daran si aad wax ugu qabato.

8 – Waxaad ku soo tiir iyo tacab beeshay muddo dheer ayaa maalin kaliya ku burburi kara, si kastaba haka caajisin inaad wax dhisato.

9 – Dadku waxay aad ugu baahan yihiin garab, laakiin marka aad garabsiiso way ku soo weerari karaan, sidaas oo ay tahay xaalad kasta garab istaag.

10 – Haddii aad dibadda soo dhigto wax kasta oo wanaagga ah dadaalkaaga oo dhanna aad bixiso, dad qaar ayaa wax kaa sheegi doona, sidaas oo ay tahay waxba ha hagran ee markasta dadaalkaagu ha noqdo 100% ah.

covey

Maandeeq FM

Related Articles

Close