JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Admiral Faarax Qare oo Sheegay Iney Furidoonaan Kulliyadda Navigation-ka ee Culuumta Badda

Guddoomiyaha hay’adda cilmibaarista badda Admiral Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare”ayaa sheegay iney sanadkan furidoonaan kulliyaddii Navigation-ka ee cilmiga badmaaxidda oo ah  farsamada iyo kaxaynta maraakiibta.

Admiralka oo hadalkan ka jeediyay imtixaankii Semister-ka 3 aad ee ardayda kulliyadda culuumta badda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee Khaliif Macow Xasan oo hoostimaadda hay’adda cilmibaarista badda ayaa ugu horreyn ka hadlay sida ay muhiimad weyn u leedahay in la barto culuumta badda, waxaana haddaladiisii ka mid ahaa:

“Baahida loo qabo aqoonta badaha aad iyo aad bay u weyn tahay, sidaa owgeed shaqo kale ayaa nagu soo baxday oo ah cilmibaaristii aan wadnay waxaan ku darnay cilmi faafin”.

Admiralka Faarax ayaa tilmaamay iney sanadkan furi doonaan kulliyaddii Navigation-ka ee kaxaynta iyo injineerinka maraakiibta:

“Waxaa noo dhiman oo muhiim ah oo sanadkan furi rabnaa, kulliyaddii bad maaxidda (Navigation) maraakiibta sida loo wado iyo injineeriyadda sida loo farsameeyo matoorada maraakiibta”.

Ugu dambeyn, Soomaaliya oo leh badda Afrika ugu dheer ayaa haddana waxaa jira iney aad u yaryihiin xilligan dadka yaqaanna culuumta badda amaba daneynaya iney bartaan cilmigaasi.

Maandeeq FM

Related Articles

Close