JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Loo Doortay Wakiil Goboleedka Bariga Afrika ee Ururka Midowga Jaamcadaha Afrika

Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma Prof. Hassan Kaafi ayaa loo doortay inuu noqdo wakiil Goboleedka Bariga Afrika ee golaha sare ee hoggaanka midowga Jaamacadaha Afrika”AAU”.

Ururka Midwoga Jaamcadaha Afrika oo qabsaday shirweynihiisii 14aad oo Afartii sanaba mar la qabto, ayaa ururku waxa uu doortay 10 wakiil goboleed oo matalaya shan gobol oo dhaca Bariga, Galbeedka, Koonfurta, Waqooyiga iyo bartamaha Qaaradda Afrika.

Hadaba, sanadkna Guddoomiyaha jaamacadda Plasma  Xasan Kaafi ayaa loo doortay wakiilka bariga Afrika ee 4 sano ee soo aaddan.

Ururka Association of African Universities “AAU” oo ay ku midaysan yihiin illaa 381 jaamcadood ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1967, iyadoo  sanadkan loo dabaaldagayay 50 sano guuradii kasoo wareegatay aasaaskii ururka, ayaa shirweynaha ururka waxa uu ka dhacay Accra oo ah caasimadda Ghana oo ay ku taallo xarunta ugu weyn ee Ururuka midowga Jaamacadaha Qaaradda Afrika.

Plasma

Maandeeq FM

Related Articles

Close