iskuulladaWararka

Wikipedia oo Xayaysiimaha Ka Heli Karta 2.5 bilayn oo Dollar..Hadaba Yaa Maalgeliya?

Wikipedia waa websiteda 5-aad ee ugu caansan dunida; waxaa laga helaa 40 milyan oo maqaal iyo 15 bilyan oo booqasho ah sanadkiiba dad ku soo booqdaan. Waxaa maamusha hay’ad aan faa’iido doon ahayn, akhristayaashuna si bilaash ah ayay ku helaan adeegeeda.

Wikipedia waa barta marka ugu horreysa kugu soo dhacaysa marka aad u baahato inaad arrin baarto, waxaad ka helaysaa qoraallo, adigaa wax ku kodhin kara, amaba shaqo dadkale ay qabteen dib u eegis ku sameyn kara. Dadka qoraayaasha ah ee wax ku qora barta waxaa loo yaqaannaa Wikipedian. Wikipedia qeybta English-ka waxaa ka howlgala inta u dhaxaysa 140-250 tifaftire.

Wikipedia Ma aha Bar Wax lagu Xayaysiisto

Wikipedia waxaa u suurtogeli karta iney helaan sanadkii 2.3 bilyan oo dollar oo ah faa’idooyinka laga helo xayaysiinta sawirka ah iyo Links-ka la socoda, laakiin bartan waxay dooratay inaaney noqon bar ganacsi amaba xayaysiinta lagu soo bandhigto.

Arrintan ayaa dadka wax falanqeeyaa ay sheegayaan iney Wikipedia khatar ku tahay marka laga eego sii socoshadeeda mudada dheer.

Hadaba Lacagta Xaggey Ka Heshaa?

Arday badan iyo saxafayiin ayaa si weyn uga faa’ideysta; arrinkaas oo keenta in dhammaadka sanad kasta ay bixiyaan lacago tabarucaad ah si ay u sii socoto barta iyagoo ilaashanaya heerka macluumaadka ee ay barta uga baahan yihiin.

Qorshaha  maaliyadeed ee Wikipedia 2014-2015 waxa uu tilmaamay in miisaaniyadda bartu ay u baahneyd 58.5 milyan oo dollar oo kharsh ah, lacagtaa marka loo qeybiyo 12 bilood waxaa bil kasta ku soo hagaageysa 4.89milyan oo dollar. Bil kastana waxaa soo booqda illaa 483 milyan oo qof.

Heer Intee le’eg Ayaa Lagu Kalsoonaan Karaa Wikipedia?

Wikipedia looma aqoonsana iney ka mid tahay Encyclopedia ugu heerka sarreeya dunida, cilmibaarista iyo wax dhigista midna lagama ictiraafsana oo xigasho ma laha, maxaa yeelay qof kasta ayaa wax ka bedeli kara waxyaabaha ku jira barta; waxaana aad loo dhaliilaa macluumaadka ku jira barta heerka lagu kalsoonaan karo.

Si kastaba, Wikipedia ayaa laga ilaaliyaa meelaha qaar oo qoraalka si weyn loo koontaroolaa, maadaama laga baqayo iney wax is daba marin ula kac ah amaba macluumaad khaldan iney dadka qaar ku gudbiyeen gudaha barta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close