arrimaha bulshadaWacyigelinWararkaWaxbarashada

12 Jir Soomaaliyeed oo 1aad Ka Galay Tartan Caalami ah oo Akhrinta Qur’aanka Kariimka ah

12 jir u dhashay dalkeenna Soomaaliya oo la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Aadan ayaa abaalmarin u helay lacago $7000 oo dollar ah kadib markii uu ku guuleystay tartan heer caalami ah oo Qur’aanka Kariimka ah loogu tartamayay gudaha dalka Tanzania.

Maamulka caasimadda Tanzania ee Dar es Salaam ayaa iyaguna siindoona abaalmarin lacageed oo 1 milyan oo shirlinka Tanzania ah oo u dhiganta illaa dhowr boqol oo dollar iyo sahayda safarka dalkasta oo doono in la geeyo. waxa kale oo jira cimro uu raacayo mid ka mid ah waalidiintiisa oo lagu geynayo dalka Sucuudiga ah gaar ahaan magaalada Makka al-Mukarama.

Ra’isul wasaarahada dalka Tanzania Kassim Majaliwa oo la hadlayay kumaan qof  oo soo buux dhaafiyay National Stadium-ka weyn ee dalkaas  oo qaada illaa 60,000 oo qof, ayaa ku booriyay hay’adaha iney scholarships siiyaan dadka ku guuleystay tartanka Qur’aan akhriska.

“Waxaad la hadli kartaan wadamada aan saaxiibka nahay sida Sucuudiga oo kale, waxay idinka caawinayaan scholarships la siiyo dadka ku guuleysta tartanka”. Ayuu yiri Ra’isul wasaare Majiliwa.

Ugu dambeyn, Guusha tartankan ee ku soo beegantay bisha barakeysan ee Radan ayaa ah mid sharaf u ah qof kasta oo Soomaali ah, qiima weynna ugu fadhida waalidiinta dhalashay Maxamed Cabdullaahi oo da’diisu tahay 12 jir.

zawadi-1 zawadi-3

Maandeeq FM

Related Articles

Close