arrimaha bulshadaWararka

Abaalmarinta Caalamiga ah ee Dubai ee Qur’aanka Kariimka ah oo Sanadkan Laga Reebay Soomaaliya iyo Qatar

Abaalmarinta Caalamiga ah ee Tantankan Dubai ee Qur’aanka Kariimka ah oo Sanadkan Laga Reebay ardaydii u ku tartameysa magaca Soomaaliya iyo Qatar.

Ismaaciil Cumar Madar “Bakistani” oo ah xaafid u dhashay dalkeenna Soomaaliya isla markaana laga soo xulay Somaliland ayaa si murogo leh uga warramay dhibaatadii ka qeybsatay iyo qaabkii looga reebay tartanka, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaan ka mid ahaa ardaydii ka qeybgaleysay abaalmarinta Dubai ee caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka ah oo ah tartan caalami ah oo ay ka qeybgalayeen dowrkan Boqol iyo Dhowr iyo Toban Dowladood. Waxaan ahaa runtii qof soo jeeda waxaan la socday dhaqdhaqaaqa iyo jawiga siyaasadda sida ay isku bedelaysay kolba, aniga iyo Ardaygii Qadariga ahaa oo iga horreeyay oo seefto kolkii hore ay martay, musaabaqdii isagoo habeenkaa ku qornaa laga eryay. Markii hore aniga jaanis ayay la ii siiyay inaan ka qeybgalo, waxaana rajeynayay inaan ka mid noqon karo Saddexda arday ee ugu horreeysa”, ayuu yiri Ismaaciil.

Ismaaciil ayaa sheegay in qaabilaaddii wasiirka arrimaha dibadda Qatar ee magaalada Muqdisho ay saameyn taban ku yeelatay kadibna go’aan laga gaaray in tartanka laga saaro, iyadoo ay jirto in go’aanka aan loo eeganeyn kan ayaan Somaliland ka yimid ama meel kale oo Soomaaliya ah:

“Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar marka uu tagay Soomaaliya ayaa jawigu marqura uu isbedelay, dalkan maamulaha abaalmarinta waa la taliyaha madaxweynaha ee dhanka dhaqanka, markaa tallaabo kasta oo dhanka siyaasadda ah halkanna wey saameynaysay, taraawiixdii masaajid ku yaalla magaalada Cajmaan baan tukiyay, ikraambaa la ii sameeyay nimankii Soomaalida ayaan soo wada casheynnay, waxaa igu soo dhacay taleefoon maamulaha jaa’isada waxa uu igu yiri waan ku sugayaa, waxay i dheheen madaxweynuhu ma ogola, in sidii ardaygii Qatar uu u tagay u tagto ayaa loo baahan yahay, muddo 10 daqiiqo ka yar ayaad jaanis haysataa tigidhkaagu wuu go’an yahay waxaan doonaynaa inaad baxdo. Nolosha haddii ay siyaasadda ku xidhanto dalka Imaaraatku waxa uu leeyahay nimankan ma kala hadhaan”.

Ugu dambeyn, waxaa muuqata in Soomaaliya lagu khasbayo iney la safato dhinaca tunka weyn iyadoo ay jirto in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay doorbidday iney qaadato go’aan dhexdhexaad ah oo aan cidna u xaglineyn.

ismaaciil 1

Maandeeq FM

Related Articles

Close