WararkaWaxbarashada

Buugaagta uu Qoray Guddoomiyaha Midowga Culumada Islaamka oo Laga Mamnuucay Dalka Sucuudiga

Wasaaradda waxbarashada Sucuudiga ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqday iney gabi ahaanba mamnuucday isla markaana ay ka shaqeynayso sidii maktabadaha jaamcaadka looga saari lahaa buugaagta Sheekh Yusuf al-Qardaawi oo ah hadda guddoomiyaha midowga culumada Islaamka oo fadhigiisu yahay dalka Qatar.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Sucuudiga oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay : “Wasiirka waxbarashada Axmed binu Maxamed Al-Cisa , waxa uu daka ugu baaqay in si degdeg ah loo hubiyo in kutubta uu qoray Sheekh Yusuf Al-Qardaawi laga saaro dhammaan maktabadaha jaamacadaha, iskuulaadka iyo maamulka waxbarashada”.

Warka ayaa intaa ku daray, “Kutubtaa haddii la helo in maktabadaha laga saaro dib dambena aan loo fidin”. Kutubta uu qoray Sheekh Qardaawi ayaa lagu tilmaamay iney khatar ku yihiin fikirka ardayda jaamacadaha iyo iskuulaadka.

Habeennimadii Khamiista ee lasoo dhaafay ayaa Sucuudiga, Masar, Imaaraadka, Baxreyn ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ay 59 qof oo uu ku jiro Sheekh Yusuf Al-Qardaawi ay ku dareen liiska waxa ay ugu yeereen argagixisada ka mamnuuca ah waddamadaasi.

Maandeeq FM

Related Articles

Close