WararkaWaxbarashada

Puntland: Nama Khuseeyo Manhajka Ay Diyaarineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Putland Pro. Abshir Yuusuf Aw Ciise ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta wasaaraddiisa ku sheegay caddeeyay in aaney qeyb ka noqon doonin manhajka mideysan ee ay diyaarineyso xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr. Maxamed Cali Faarax iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed C/qaadir Cusmaan ayaa ka hadlay sababta iney gabi ahaanba aaney khuseyn manhajka cusub ee ay waddo DFS.

“Annagoo ah wasaaradda waxbarashada Puntland waxaan maanta shir saxaafadeedkan u qabaneynaa inaan caddeyno manhajka waxbarasho ee wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ahi ay horgeysay golaha xukuumadda dowladda federaalka ah inuu yahay mid gaar ku ah federaalka iyo intii gobollo ee kala qeybgashay, Puntland se ma khuseeyo manhajkaas isaga ahi”, ayuu yiri wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Pro. Abshir.

Mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Puntland oo shirka jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa soo qaatay sababo dhowr ah oo ay uga hor imaanayaa qaadashada manhajka, kuwaas oo kala ah:

1 – In Puntland ay leedahay manhaj waxbarasho oo gaamuray oo lagu dhaqmaanay muddo 15sano ah, waxaa dhameystiran dhammaan muqararkii dugsiga hoose, dhexe iyo sare, kaas oo uu sheegay inuu buuxiyay dhammaan shuruudaha manhaj ee Macrifada, Xirfadda iyo Habdhaqanka.

2 – Waxbarashada oo ah awood u gaar ah dowlad goboleedyada, waxaana ay sheegeen in dastuurka uu qeexayo awoodaha dowladda dhexe oo ku kooban, arrimaha dibadda, difaaca, lacagta,  jinsiyadaha iyo socdaalka, wixii ka soo haray ee awoodo ah waa in laga wada hadlo sida ku cad qodobka 54aad ee dastuuka fedeaalka ah.

3 – Soomaaliya waxay qaadatay nidaam federaal ah oo ah qodob dastuuri ah, waxaanse wali lagu heshiin nooca federaal ee la qaadanayo , sida waxqabsiga awoodaha siyaasiga ah, dhaqaalaha iyo arrimaha dastuurka intaba wali la islama meeldhigin.

Waxay intaa sii raaciyeen in nimaadka federaalka uu leeyahay aasaas saddex qodob ah oo ay ka mid yihiin, in cid awood mudlaq leh aaney jirin, in waxwalba laga tashado, in uu jiro qeybsi dhinaca awoodaha siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ugu dambeyn, hadalkan kasoo baxay Puntland ee dhanka manhajka Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa ah mid dhirbaaxo ku ah wasaaradda waxbarashada Federaalka oo sheegtay in manhajka ay hadda qolfoofkiisa sameysay  uu yahay mid guud ahaan maamullaada Soomaaliya ka dhaqangeli doona.

Maandeeq FM

Related Articles

Close