arrimaha bulshadaWararka

Shaqooyinka Ay Qabankaraan Dhalinyarada Soomaaliyeed Oo Aan Fursad loo Siindoonin Dadka Ajaanibta Ah

Wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha bulshada DFS ayaa sheegtay inaan fursad loo siin doonin shaqooyinka ay qaban karaan dhalinyarada Soomaaliyeed dad ajaanibah, arrintaasoo ah mid looga hortagayo tahriibka dhalinyartii Aqoonta lahayd ay ku gaarayaan dadalka shisheeye.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay qorsheyneyso in dib loo eego hannaanka shaqo ee ajaanibta dalka joogta kuwaa oo qabta shaqooyin ay qaban karaan dadka Soomaaliyeed, taasina ay sabab u noqotay sida uu Wasiirku u arko in dhallinyaro badan ay dalka ka hayaamaan.

Wasiir ku xigeenka waxa uu sheegay in ay qorshaha ugu jirto in la shaqaaleysiiyo dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed oo xirfad leh taasina lagu gaari karo hanaanka la doonayo in looga hor istaago dhallinyaradu iney wadankooda ka hayaamaan.

“Wasaaraddu Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa priority u ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay shaqo hesho. Waxaan la dagaalameynaa ajaanibta waddankan yimaadda in qof Soomaaliyeed oo dhallinyar ah shaqo uu qaban karo uusan nin ajaanib ah qaban. Arrintaasina waxaan kasoo saari doonnaa siyaasad qeexan oo ah in uu ganaax ku dhacaayo”.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in ay jiraan dad dhakhaatiir ah oo shahaadooyinkooda aysan ka warhayn wasaaradda caafimaadka iyo dad wadanka si sharci darro ah kusoo galay sidoo kalena ugu shaqeysta, balse waxuu intaa kusii daray in ay arrimahaas oo dhan ay Wasaaraddu wax ka qaban doonto.

Si kastaba, Dhalinyaro farabadan oo aqoonyahan u badan ayaa sanadkasta ka tahriiba dalka, kuwaas oo rajeynaya fursaddii ay dalkooda ka waayeen iney ka helaan dalal kale, taa bedelkiida waxaa jira ajaanib farabadan oo gudaha dalka uga shaqeysta shaqooyin mushaarbadan lagu qaato oo ay hadana qaban karaa dhalinta Soomaaliyeed!

Maandeeq FM

Related Articles

Close