WararkaWaxbarashada

Labo Arday oo Turki Ah oo Soo Saaray Canbuur Bireed Aaney Rasaastu Karin

Labo arday oo Jaamici ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa ku guuleystay iney sameeyaan dharka gaashaanka xabadda ah oo kii hore ka jilicsan, kaas oo ciidanka u suurtogalinaya iney culeys badan uu ka fududaado.

Akin Yildirim iyo Jean Oonlo oo ah ardayda sanadka 4aad ee kuliyadda Engineering-ka ee jaamacadda Başkent University, ayaa waxay horumarin ku sameeyeen cambuur bireedka rasaasta iyagoo danta ay ka lahaayeen uu ahaa in ciidanka loo fududeeyo howshiisa, maadaama jaakeedka rasaasta ay hadda isticmaalaan uu aad u culus yahay.

Kadib cilmibaaris ku qaadatay muddo sanad ah oo uu isha ku hayay Por. Abreu Saral ayaa ay ka miro dhaliyeen dadaalkooda, waxaa shaqadooda ay aad u soo jiidatay dadkii ka soo qeybgalay carwada qalinjabinta ee ay jaamacaddu qabatay.

Yildirim ayaa wakaaladda wararka ee Anatolia u sheegay: “Xilliyadii dambe waxaa aad u kordhay shaqooyinka ciidanka ee la dagaallanka argagixisada, arrinkaas ayaa nagu dhaliyay inaan ku fakarno mashruucan oo ah horumarin lagu sameynayo canbuur bireedka rasaasta la iskaga difaaco, iyadoo fikaraddu ay ka dhalatay mashruuc ahaa maxaad ku soo kordhin kartaa farsamada difaaca”.

Maadada ay canbuurkan ka sameeyeen ayaa ah Kevler oo ah maaddo adag, taas oo markii ugu horreeyay la adeegsaday 1970 oo lagu bedelay birta adag ee ajayga ah ee loo adeegsado difaaca rasaasta, maadada Kevler uu 5 jeer ka adag yahay birta ajaayga ah.

Canbuur bireedkan ayaa ah mid ka duwan kan hadda rasaasta la iskaga difaaco, wuu ka jilicsan yahay wuuna ka tayo badan yahay.

Kelven

Maandeeq FM

Related Articles

Close