WararkaWaxbarashada

Maamulka Gobolka Togdheer oo Ka Hadlay Xilliga la Qaadayo Imtixaanka Gabagabada Sanad Dugsiyeedka ee Iskuulaadka Burco

Wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo maamulka gobolka Togdheer ayaa isku afgartay xilliga la qaadayo imtixaan gabagabada sanad dugsiyeedka magaalada Burco oo horey loogu hakiyay sasabo la xiriira shuban-biyood magaalada ka dillaacay.

Imtixaanka dugsiyada Burco ayaa la hakiyay kadib markii xanuunka shuban biyoodka uu ka dilaacay xabsiga dhexe ee magaaladaasi kadibna uu ku faafay dhammaan magaalada.

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Maamulka Ayaa ku dhawaaqay in maalinta barrito ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 14- June la bilaabo imtixaanka gabagabada sanad dusgsiyeedka 2016/17, sida gudoomiyaha gobolka Maxamed Cali Saleebaan Ramaax uu warbaahinta u sheegay.

Guddoomiye Ramaax waxa uu maamulayaasha goobaha waxbarasho ee Burco ku boorriyay iney ka qeyb qaataan ololaha lagu xakameynayo xanuunka oo ay daweeyaan biyaha ardaydu isticmaaleyso.

“Dood dheer dabadeed waxaan isla ogolaanney dhammaan maamulayaasha dugsiyada kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowliga ahba, wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradda caafimaadka markaan la tashannay in la qaado imtixaankii laga bilaabo maalinta Arbacada, iskuullada dadka tirada badan haya sida; sheikh Ibraahim, Yusuf Al Kowneen oo kale, imtixaanku waxa uu ka socon doonaa muddo 10 cisho ah, kuwa kale waxay ku soo gabagabeyn doonaan muddo 5 cisho ah. Waxaa kale oo aan fareynaa maamulayaasha dugsiyada dhammaantood iney ka qeybqaataan wacyigelinta la dagaallanka Shubanbiyoodka iyo ka taxadarka waxyaabaha la isku qaadsiiyo, in la nadiifiyo masqulaha in la daweeyo baraagaha iskuullada oo naftarkayagu kormeer ku sameyn doonno, qalab wixii aanu haynana aan idiin keenni doonno”, ayuu yiri guddoomiye Ramaax.

Shubanbiyood ka dillaacay magaalada Burco bilowgii bishan June ayaa keenay in sababtiisa loo hakiyo imtixaankii sanad dugsiyeedka, iyadoo mar kale loo ballamay in dib loo bilaabo imtixaanka maalinnimada Barri ah ee Arbacada ah.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close