arrimaha bulshadaWararka

Masaska oo Sii Saadaaliyay 2 cisho Ka hor Dhulgariir Ku Dhuftay Dalka Turkiga Isniintii!!

Kadib markii ay lama filaan ku noqotay awoodda dhulgariirka ku dhuftay gobollada Koonfureed iyo Bariga dalka Turkiga Isniintii shalay 12, June, 2017, Twitter ay Soo dhigtay xildhibaan hore ayaa aad u qabsaday warbaahinta kadib markii ay dhulgariirka ka digtay Labo Saacadood ka hor inta aanuu dhicin.

Melda Onur oo horey uga tirsaneyd baarlamaanka Turkiga kana mid ahayd xisbiga shacabka jamhuuriga ah, ayaa soo qortay: ” Waxaa isoo gaaraya warar in dadku ay arkeen Masas dhexbartamaha magaalooyinka jooga, waa arrin la mid ah  xaaladdii la arkay ka hor dhulgariirkii 1999, hadhow ha dhihina la nooma sheegin”.

Labo saacadood ka dib Twitter-kaa  gobollada xeebaha galbeed ee dalka Turkiga sida, Istanbul, Chenakali , Bursa iyo magaalooyin kale oo Greek ah, dhulgariirka ay qiyaastiisu tahay 6.2 darajo ayaa ku dhuftay; kaas oo argagax badan ku beeray dadka magaalooyinkaas.

Saynisyahanno ayaa aaminsan in arrinta ku saabsan masaska ay tahay  xaqiiqo ah iney saadaaliyaan dhulgariirradda inta aaney dhicin 5 maalmood ka hor, waxayna awood u leeyihiin iney dareemaan waxa ka soo foolleh dhulka hoostiisa.

Gobolka Marmara ee dalka Turkiga ayaa sanadkii 1999 waxaa ku dhuftay dhulgariir awooddiisu ahayd 7.6, waxa uu socday 37 ilbiriqsi oo qura, laakiin waxa uu galaaftay nafta 17 kun oo qof, nus Milyan kalena waxa uu ku riday hoy la’aan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close