DugsiyadaWararka

Dowladda Shiinaha oo Deeq Lacageed Gaarsiineysa Iskuulka Agoonta ee Dagmada Boondheere

Safaaradda Shiinaha ee dalka Soomaaliya ayaa uballanqaaday caruurta dhigatay iskuulka agoonta ee Boondheere 22 kun oo dollar oo loogu iibiyo cunto iyo qalab waxbarasho ka hor ciidda bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sida ay sheegayso wakaaladda wararka ee Xinhua, safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ee Qin Jian ayaa Talaadadii shalay wakaaladda u sheegay in kaalmadani ay ulajeedaan garabsiinta agoonta iyo caruurta ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee iskuulka caruurta ee dagmada Bondhere oo ay dhigtaan in ka badan 300 oo gabdhood.

Nurto Maxamed Caddow oo ah maamulaha iskuulkan ayaa safaaradda uga mahadcelisay kaalmadan lasoo gaarsiisayay.

Deeqdan lacagta ah ayaa imaneysa kadib bil wax ka yar markii dowladda Shiinaha ay ugu deeqday 10 milyan oo dollar barnaamijka UN World Food Program (WFP) si wax looga qabto howlaha bani’aadamnimo ee gudaha Soomaaliya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close