JaamacadahaWararka

Hurdo Xumida oo Saameyn Taban Ku yeelata Qaabka Waxbarasho ee Ardayda Jaamacadaha

Cilmibaaris cusub oo laga sameeyay dalka Mareykanka ayaa ka digeysa hurdo yaraanta oo saameyn taban ku yeelata waxbarashada aradayda Jaamcadaha, waxay  gaabis ka dhigeysaa, ayay leeyihiin, fahamka iyo caafimaadka ardayga.

Cilmibaaristan oo ay sameeyeen cilmibaarayaal ka tirsan isbitaalka Brigham ee dalka Mareykanka, ayaa waxaana lagu faafiyay jariidada  “Scientific Reports” ee cilmiga oo Isniintii lagu soo daabacay.

Cilmibaarayaashan ayaa si gaar ah ula socday 61 arday oo ka tirsan jaamacadda Harvard muddo 30 cisho ah, iyagoo rabay iney ogaadaan xiriirka ka dhexeeya saacadaha hurdada,  xilliga seexashada iyo howlkarnimada ardayda ee dhanka waxbarashada.

Cilmibaarayaashan ayaa arkay in hurdada aan xilli go’an lahayn ay ka dhalanayso howl liidata oo dhanka waxbarshada ah gaar ahaan xilliyada imtixaanaadka marka loo barbar dhigo dadka sida wanaagsan u seexada oo mar kasta ka heer sarreeyay dadka dhafra amaba xilliyada kooban seexda.

Cilmibaarayaasha ayaa intaa sii raaciyay iney jiraan waxyaabo si aan wanaagsaneyn hurdada u saameeya kuwaas oo qofka hurdada u diida, waxaa ka mid ah iftiinka faraha badan ee xilliga maalintii iyo hurdada ka hor iftiinka kasoo baxa mobillada Smart ka ah oo saameyn taban ku yeesha hurdada.

Cilmibaarisyo hore ayaa tilmaamaya in hurdo kugu filan oo aad seexato habeenkii 7-8 saacadood ay kaalin fiican ka qaadaneyso caafimaadkaaga cudurro badanna ay kaa difaacayso oo ay ugu horreeyaan Sokorowga iyo cayilka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close