WararkaWaxbarashada

The Independent: Waa Tan Islaamnimada Dhabta ah

Jariidada la yiraahdo The Independent ee ka soo baxday gudaha dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigtay sawir ay dadku aad iskula dhexmarayeen baraha bushada, haweenay xijaaban oo garab siineysa islaan waayeel ah oo reer Ingiriis ah, waxyana jariida cinwaan uga dhigtay “Isaalaamninda dhabta ah”.

Sawirkan ayaa markii ugu horreeyay waxaa soo bandhigay wiil dhalinyaro ah oo lagu magaacaabo Xamsa Bakri, oo sheegay in haweenayda waayeelka ahi ay ahayd 84 jir, gaari ayay saarneyd bariga caasimadda Ingiriiska ee London, way dawakhday (wareertay) kadibna waxay madaxa ku dhufsatay  tiirarkii gaariga ee macdanta ahaa.

Xamsa ayaa intaa ku daray, arrinka soo jiidashada leh ayaa ahaa haweenayda xijaaban ay isla markiiba u soo gurmatay, gacanteeda ay qabatay, muddo 20 daqiiqa ahna ay daryeelaysay inta ay uga imaanayeen gaadiidka ambulance-ka ah ee gurmadka degdeg ah.

Mid kamid ah shakhsiyaadka aragtida ka dhiibtay xaaladdan ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in dadka ku nool UK ay ku baraarugaan, in diintu aaney sabab u ahayn dagaalka, laakiin waxa wax riixayaa ay yihiin siyaasadda”, haweenayda waayeelka ah ayuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah. Haweenay kale oo iyaduna aragtiida ka dhiibatay ayaa tiri: “Dadku waxay u baahan yihiin iney ogaadaan in argagixisadu aaney islaam ahayn… Muslimiinta dhabta ah waa bulsho dhaqan qurxoon oo dadka ka mid ah”.

Warbixinno ay soo saareen booliska magaalada London ayaa tilmaamaya in kor  u kac uu ku yimid dambiyada Muslim nacaybka uu gaysanayo oo ay 5 jibaar korortay kadib weerarkii ugu dambeeyay ee Daacish, waxaa la diiwaangeliyay 54 xaaladoo, waana in ka badan 40% heerkii dambiyada maalin laha ah oo xadgudubku uu gaari jiray illaa 38 xaaladood, marka loo barbar dhigo isla xilliigan oo kale sanadkii hore.

Maandeeq FM

Related Articles

Close