arrimaha bulshadaCaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Mayr Gacmahaaga Si aad U hesho Afkaar Cusub oo Wax ku OoL Ah!

Cilmibaaris cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in gacmaha oo la dhaqo laga heli karo wax dhaafsiisan nafaadda caadiga ah, taas oo ah maskaxda oo aad ka nadiifineyso afkaartii hore ee qadiimiga ahayd ee maskaxdaada ku raagay.

Sida ay soo daabacday jariidada Daily Mail, cilmibaarayaashan ayaa helay in gacmaha oo la meyraa ay maskaxda ka nadiifinayaan fikradihii hore ee qadiimiga ahaa, kuwaas oo ku  saleysnaa dhanka tijaabooyinkii hore ee uu qofku soo maray. Sidaa darteed mark aad dooneyso inaad go’aan muhiim ah qaadato waxay ku talinayaan inaad gacmahaa mayrto ugu horreyn, taas oo aad ka heli karto fikrado cusub oo wax ku ool ah.

Cilmibaaristan ayaa waxaa sameeyay cilmibaaryaal ka tirsan kulliyadda Rotman College oo ay maamusho jaamacadda Toronto.

Waxaa horey loo ogaa in nadaafadda jirku ay saameyn ku yeelato xaaladda nafeed ee shakhsiga. Cilmibaarayaashan ayaa baaritaanno ku sameeyay gacmaha oo la meyro  saameynta ay ku leedahay howsha gudaha caqliga aadanaha.

Ping Dong oo hadda ah arday diyaarinayay shahaadada P.H.D ee dhanka suuqgeynta ayaa sheegay in cilmbaaristani ay xoogga saareyso saameynta gacmo mayristu ay ku yeelato maskaxda aadanha mudada dhaw, gaar ahaan dhinaca socdaalka hadafka qofka ee mudada dhaw.

Natiijada daraasaddan ayaa waxay muujineysaa in howshani ay fikirka jihayso, kuguna hagayso inaad afkaar cusub la timaaddo oo wax tar leh kana duwan tii hore.

Daraasad kale oo laga sameeyay  jaamacadda Michigan ayaa tilmaamaysa natiijo tan la mid ah, waxay  yiraahdeen gacmaha oo la meyraa waxay qofka ka saartaa shakiga xulashadiisa maalin laha ah, sidaas oo kale waxay xuseen inta aadan go’aan muhiim ah gaarin ka hor jirkaaga nadiifi,  fikrado hor leh oo fiican ayaad helaysaa, waana sida ay hadalka u dhigeen.

mayr gacmahaaga

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close