WararkaWaxbarashada

 Puntland: Sixidda Imtixaanka Dugsiyada Sare oo Lasoo Gabagabeeyay

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo gabagabeysay sixidda imtixaanka dugsiyada sare ee maamulka.

Agaasimaha waaxda imtixaanka Puntlanad Axmed Maxamud Warsame ayaa ka warramay marxaladaha kala duwan ee uu soo maray sixitaanka imtixaanka dugsiyada sare, waxa uu sheegay in sixidda imtixaanku ay u qeybsaneyd illaa Saddex marxaladood oo kala ah:

Gacanta koowaad oo ah tan macallinka saxaya waxa uu isticmaalayay qalinka guduudka ah, waxaa ku xigay gacanta Labaad oo ah hubiyaha oo isticmaalayay qalinka madow. ugu dambeyn gacanta saddeexaad oo isticaalayay qalinka buluugga ah.

Howsha sixidda iyo dabagalka ka dib waxaa lagu soo wareejinayaa imtixaanka xafiiska imtixaanadka oo hubin maalmo ah kadib isna dib ugu wareejinaya guddiga sare ee imtixaanka, kuwaas oo mas’uuliyadoodu tahay, sida la sheegayo, iney imtixaanka waafajiyaan heerka caalamiga ah ee dunida.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha imtixaanaadka dugsiyada sare ee Puntland ayaa u mahadceliyay macallimiinta imtixaanka saxday. iyadoo maalmaha foodda inagu soo hayana la filayo in imtixaanka si rasmi ah loo soo dhajiyo.

puntland

 Maandeeq FM

Related Articles

Close