DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Waxyaabihii Ugu Halista Badnaa ee Aadanuhu uu Hindisay

Waxaa jira waxyaabo badan oo aadanuhu uu soo hindisay oo markii dambey laga shallaayay dhibaatadiisa iyo waxyeeladdiisa oo noqotay mid aad u saameyn badan awgeed.

Hubka Kalashnikov amaba AK-47 ayaa ka mid ah, laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo uga khatar badan aadanaha iyo deegaanka labadan.

Hadaba, waxaan idiin soo xulnay, 5 waxyaabood oo halis ku ah jiritaanka aadanaha hadana aadanuhu ay gacantooda ku soo hindiseen noloshoodana aaney uga maarmin.

1 – Mercury thermometer:  Thermometer-kan waxaa laga soo saaray dalka Jarmalka sanadkii 1714 kii, waxaana loo adeegsaday dhinacyada caafimaadka iyo cimillada, sidaas oo ay tahay in Mercury waa maaddo sun ah oo habdhiska dareemaha waxyeello u geysta, wadamo badan oo dunida ah hadda waxay raadinayaan bedelka Mercury Thermometer.

2 – E-mailka aan la rabin: April 1994 tii ayay ahayd markii ugu horreysay ee unida laga ogaaday e-maillada viruska wata, tirada farriimaha ee e-mailladaasi laga helay  waxay gaareen illaa 180 milyan oo farriin virus wadata ah.

3 – Caagadaha plastics ah: caagadaha si ay ciidu u cunta waxay u baahan yihiin muddo 700 oo sano ah, 80% caagadaha la sameeyo dib looma cusbooneysiin karo.

4 – Bacaha: bacdu waxay dhibaato ba’an ku tahay deegaanka, waxay dhibaato xoog leh u geysataa doogga, haddii badda lagu tuurana wayba kasii khtar badan tahay oo waxay soo saaraysaa tiro badan oo neefta  Carbon Dioxide ah.

5 – Nukliyeerka: hubka nukliyeerka waxaa loo aqoonsan yahay wixii ugu darnaa ee aadanuhu uu sameeyo, hadda waa waddo dowladuhu ay isku ilaaliyaan, laakiin waxaa jira tiro badan oo hubka nukliyeerka ah oo duqoobay dhibaatadiisu ay taagan tahay.

waxyaabaha ugu khatarta badan

Maandeeq FM

Related Articles

Close