arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Cilmibaare Moroccan ah oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Hal-abuurka Yururb ee Sanadkan 2017

Cilmibaare iyo Professor cilmiga biology-ga ah oo Moroccan ah ayaa ku guuleystay abaalmarin cilmiyeed oo heer sare ka ah Yurub, waxaa doortay dadweynaha oo u xushay inuu noqdo hal-abuurka Yurub ee sanadka 2017.  xafladdii abaalmarinta waxay ka dhacday Hottel ku yaalla Talyaaniga 15, June, 2017.

Caalimkan oo la yiraahdo Adnane Remmal oo Professor ka ah jaamacadda Sayidii Maxamed Binu Cabdillaah ee magaalada Fez ee dalka Morocco, ayaa tiro badan oo dadkii abaalmarinta codkooda ka dhiibanayay ay cododkooda siiyeen, codbixinta oo ahayd mid dhanka Internet-ka ah, waxaanuu ku mutaystay cilmibaaris uu ka sameeyay xiriirka ka dhexeeya antibiotics-ka iyo barafuunka(cadar).

Benoit Battistelli oo ah madaxa xafiiska Yurub ee hal-abuurka cilmiga iyo daahrogyada cusub ayaa yiri, “Codbixintii dadweynaha waxaa ku guuleystay Adnane Remmal oo kaalin fiican ka qaatay la dagaallanka Bakteeriyada adkeysiga u leh antibiotics-ka”.

Waxa uu hadakiisa sii raaciyay: “Cilmibaaruhu waxa uu sugay in antibiotics-ka caadiga ah iyo barafuunka oo la isku daro ay waxtarka antibiotics-ka ay kor u qaadeyso, waxaanuu kaalin fiican ka ciyaaray horumarinta dawada iyo farmashiyaha ee gudaha waddankiisa Morocco”.

Xafladda abaalmarinada oo ahayd tii 12 aad ayaa waxaa kasoo qeybgalay 600 oo marti sharaf ah oo ka kala socday dhinacyada, siyaasadda, Ganacsiga, xafiiska milkiyadda fikirka, cilmiraayaal. Waxaa furay madax xafiiska Yurub ee Hal-abuurka cilmiga Benoit Batistelli iyo wasiirka horumarinta dhaqaale ee dalka Talyaaniga Carlo Calinda.

n-PIC-large570

Guuleystayaasha Hal-abuurka Yurub ee 2017

–  Warshadaha: Jan Van den Boogaart iyo Oliver Hayden oo u kala dhashay dalalka (Netherlands/Austria).

–  Cilmibaarista: Laurent Lestarquit, Jose Angel Avila Rodriguez, Gunter W. Hein, Jean-Luc Issler iyo Lionel Ries oo u kala dhashay dalalka, France, Spain, Germany, Belgium.

–  Waddamo aan Yurub ahayn: James G. Fujimoto, Eric A. Swanson iyo Robert Huber oo kala ah USA, Germany.

–  Shirkadaha yaryar iyo kuwa meel dhexaadka ah: Gunter Hufschmid oo Garmany ah.

–  Codeynta dadweynaha: Adnane Remmal oo dalka Morocco ah.

–  Hal-abuurka Life time Achievement: Rino Roppuoli oo dalka Talyaaniga ah ayaa ku guuleystay.

award

The finalists of the European Inventor Award 2017 on stage at the award ceremony in Venice on 15 June, together with EPO President Benoît Battistelli and Italian Minister of Economic Development Carlo Calenda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close