arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Labo Caalim oo Ruush ah: Adduunyo Gaddoonkii Waa Dhaw Yahay

Labo caalim oo u dhashay dalka Ruushka Dennis Komarov iyo Dmitry Hakhov ayaa ku dhawaaqay in adduunyo gaddoonkii uu soo dhaw yahay, iyagoo aragtidooda ku saleeyay in Qorraxdu ay joojineyso tamarta laga helo oo ay qaboob isku bedeli doonto.

Saynisyahannada ayaa marar badan tilmaamay in marka la gaaro kumanaan sanno ka dib in qorraxdu ay weynaanayso si xad dhaaf ah, arrintaas oo keenaysa in nooluhu uu dhulka ka tirtirmo, markaa ka dib dhulka aan ku nool nahay waxa uu isku bedelayaa ayay qabaan, meel aaney nololi ka jirin. Laakiin labadan caalim way ka aragti duwan yihiin waxay yiraahdeen in qeybo ka mid ah dunida Qorraxda laga waayi doonto, taasina waxay tilmaan u noqoneysaa, ayay yiraahdeen, in Qorraxdu gabi ahaanba adeegeeda ay joojineyso, shucaaca iyo tamarta laga helana la waayayo, arrintaas oo ugu dambeyn keenaysa in dhulku uu qalalo, markaa ka dibna dhammaan raadka nolosha dhulka waa laga waayayaa.

Natiijadan ay gaareen labada caalim ee Saynisyahannada ah ayaa ah mid aragti un ah. Laakiin haddii aragtidaasi cusub ay noqoto mid meel marta waxaa hubaal ah in sanadaha foodda nagu soo hayay ayna xaaladdaasi dhici doonin, markaa wax laga walwalo hadda majiraan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close