WacyigelinWararkaWaxbarashada

Maxaa Keenay In Faraacintii Hore Ay Bisadda Siiyaan Xasaanad Qaanuuni ah?!

Masaska suntan leh oo aad ugu badnaa Masar, xilligaana ahaa khatarta ugu badan ee ay dadku waajahaan naftooda ku waayaan iyo Jiir “Dolli” farabadan oo soo weerari jiray beerahooda iyo goobaha ay raashinka dhigtaan, ayaa bisaduhu ay ugaarsan jirtay Labadaa khatarood ee nafta iyo cunnadaba ku waajahan, sidaa darteed Masaaridii hore mukulaasha waxay siiyeen xasaanad qaanuuni ah oo cidina may dili karayn.

Waxaa la aaminsan yahay taariikhyahannaduna ay sheegeen in Masaaridu ay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee mukulaasha dhaqda oo dad joog ka dhiga. Bisadda aad ayay u jeclaayeen, waxay ula dhaqmi jireen si aad u heer sarreysa, waxaaney lahayd xasaanad qaanuuni ah oo qaanuun kooda ayaa ilaalinayay.

Taariikyahankii weyn ee “Herodotus” ayaa sheegay in marka goob uu dab qabsado waxa ugu horreeya ee la badbaadiyaa uu ahaa Bisadaha oo waxaa laga horumarin jiray dab damiska. Qofkii mukulaal dila si kas ah amaba kam’ ahna  dadku inta ay iskugu yimaaddaan ayay goobtiisa ku dili jireen!.

Waxaa xusid mudan in Bisaduhu aaney maanta agteenna wax qiimo ah ka lahayn, ilmaha yar ee wadada socdaa uma ogolaado iney si caadi ah ku maraan, ugu yaraan dhagax ayuu ku tuuraa, marka ay dadka aragtana sas ayay ka qaaddaa iyadoo moodaysa iney nafteeda khatar ay ku yihiin, in kasta oo ay jiraan dad yar oo fara ku tiris ah oo guryahooda ku xanaaneysta.

 

bisad leh xasaanad qaanuuni ah

Maandeeq FM

Related Articles

Close