WararkaWaxbarashada

Qoraa Israeli ah: Waxaa Timid Fursaddii Aan Kusoo Afmeeri Lahayn Gacan Ku Haynta Xamaas ee Gaza

Ksenia Svetlova oo ah xubin ka tirsan Kanisadka Israel oo maqaal ku soo daabcday jadiida maariv oo ah jariidad labaad ee ugu akhriska badan dalka Israel ayaa sheegtay in fursaddii ugu fiicneyd ee xarakada Xamas looga qaadi lahaa xukunka Gaza ay haystaan.

Ksenia Svetlova ayaa sheegtay in 10 sano ka dib qabsashadii ururuka ee Gaza ee ka dhashay khilaafkii xukuumadda Falastin  2007, ayaa waxay tilmaantay in ay maanta mareyso xilligeedii ugu adkaa oo aaney marna la kulmin  mudadii Tobanka sanno ee ugu dambeysay.

Waxay farta ku fiiqday in xarakaday ay haysato 4 xaaladood oo kala daran, waa tan Koowaade, waxay marayaan xaalad bani’aadamnimo tii ugu xumeyd, tan Labaad, in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay iskugu mid u yihiin Daacish iyo Xisbullaah, tan Saddexaad, madaxweynaha Falastin Maxamuud Cabaas oo ka niyad go’ay Xamaas, iyo tan Afraad oo ay ku sheegtay in Masar ay marinka Rafax ay bishii mar kaliya furayso, arrinkaas oo hoos u dhigaysa u kala socodka dadka ee Masar iyo Gaza.

Ksenia Svetlova oo xubin ka ah Kanisadka Israel iyo guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee Kanisadka ayaa sii  faahfaahisay xaaladda haysata Xamas iyo sida ay u daran tahay, waxay tiri, xaaladda shaqo la’aan ee dadka reer Falastin ee Gaza waxay gaartay 40% dadka dagganna waxay la dhibaatoonayaan biyo yari iyo koronto la’aan. Dhanka dib u dhiska Gaza aad ayay gaabis u tahay, maxaa yeelay dowladihii ballanqaadyada u sameeyay dib u dhiskeeda aad ayay uga gaabiyeen mana muuqato in ay taageero mudada dhow ah u fidin karaan , ayay hadalkeeda sii raacisay.

Svetlova oo horey tafaftire uga soo noqotay jaraa’idka Israel ayaa ka codsatay xukuumadeeda iney ku dadaasho wax la qabsiga dhanka Mareykanka iyo dowladaha Carbeed si xaaladda dhaqaale loogu sii adkeeyo Xamaas, waxayna tilmaantay in tallaabadaasi ay u fiican tahay tallaabooyinka cusub ee Mareykanka iyo aragtida cusub ee ku aaddan bariga Dhexe ee lagu abaabulay isbaahaysi goboleed looga soo horjeedo ururrada Islaamiga ah.

Qormadeeda waxay ku soo gabagabeysay in wadahadal kasta oo u dhexeeya Israel iyo Carabta laga hormariyo xal u helidda Gaza, iyadoo Israel looga fadhiyo, ayay tiri, iney birta tunto iyadoo kulu, aasaaskana ay bedesho xaaladda ka taagan Gaza, ayna soo gabagabeyso si dhakhso ah gacan ku haynta Xamaas ee Gaza.

Maandeeq FM

Related Articles

Close