WararkaWaxbarashada

Somaliland oo Siyaasadeynaysa Xaaladda Xaafid Ismaaciil Cumar oo Laga Soo Musaafuriyay Dalka Imaaraatka

Ciidamda ammaanka Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku qabtay xaafid Ismaaciil Cumar Madar oo ahaa Ardaygii Soomaaliya u matalayay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee dalka Imaaraatka.

Ismaaciil oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa xukuumadda maamulkaasi waxaa u cuntami weyday xaqiiq uu saxaafadda ka sheegay oo aheyd in uu tartanta is reebreeb ah oo gobollada Somaliya uu ku soo baxay, guud ahaanna uu matalayay Soomaaliya oo dhan:

“Tartanka qeybta Soomaaliya waxaa loo saaray lajnad u gaar ah oo ardayda tartansiiya, tartankaas ayaa naloo qabtay, anaa ku soo baxay, sidaa owgeed safaaraddii Soomaaliya ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ansixisay, kadib waxaa ii suurtogashay inaan ka mid noqdo dadkaa qur’aanka kariimka ah u tartamaya anigoo Soomaaliya matalay”, ayuu yiri Ismaaciil oo la hadlayay Goobjoog News oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM.

Xaafid Ismaaciil ayaa waxaa saameyn ku yeelatay xaaladda siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, gaar ahaan go’aankii xukuumadda Somaliya ee dhexdhexaadnimada ahaa ee ay ku diideen iney iney dhinac goonni ah la saftaan, go’aankaas oo ka caraysiiyay dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraatka.

Maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa u muuqda mid aan u aabayeelayn cid kasta ha yaraato amaba ha weynaato, ciddii siyaasadda maamulka ka hor timaadda waxaa loo taxaabayaa xabsi!.

Ismaaciil waxaa laga qabtay airport-ka Cigaal ee magaalada Hargeysa oo kadibna loo taxaabay isla Khamiistii Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa. Arrintaas oo keentay iney dad badani ka xumaadaan maadama  uu dhibaato ku soo maray ardaygaa da’da yar dalka Imaaraatka oo laga soo musaafuriyay, halka dalkiisii markii uu ku soo guryo noqday loogu daray xabsi.

Maandeeq FM

Related Articles

Close