WararkaWaxbarashada

Turkiga: Arday Dhigata Dugsi Sare oo Horumariyay Adeegga Robot Lagu Baaro Miinooyinka

Arday dhigata dugsi sare oo dalka Turkiga ah ayaa horumariyay robot lagu baarayo miinada kaas oo ku dulsocon kara dhulka adag ee buuraha ah.

Robot-kan oo ay u bixiyeen magaca “robot-kii Caarada”, ayaa waxaa sameyntiisa ka qeybqaatay 20 arday oo dhigta qeybta qalabka dugsiga sare Mimar Sinan ee Sayniska iyo fasmada, kaas oo ku yaalla gobolka Adi Lehman ee koonfurta Turkiga.

Robot-kan ayaa xawaarihiisu waxa uu gaarayaa illaa 20 km/saacaaddii, waxaanuu xambaari karaa culeys gaaraya illaa 200 Kg, ku darso isagoo si wanaaagsan ugu soconaya dhulka buura ah ee dhagaxaanta badan.

Mustafa Unal oo ah macallinka qeybta Qalabka ee iskuulka oo la hadlay wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anatolia ayaa yiri, “Ardaydu waxay isku dayeen iney horumarinyaan adeegga robotka Caarada”, macallinka ayaa intaa ku daray , “xilligan aan joogno in robot la sameeyaa arrin culus maaha, si yaabo badan ayaanna looga faa’ideysan karaan marka gacmo automatic ah lagu xiro iyo kaamirooyin wax lagu baaro”.

Macallinka ayaa farta ku fiiqay in ardaydu ay si guul ah tijaabadoodii ugu horreysay ay ugu sameeyeen robortka, haddana macallimiinta computer-ka ee iskuulku ay gacanta ku hayaan oo ay adeegga robotka ay sii horumarinayaan.

turky

Maandeeq FM

Related Articles

Close