WararkaWaxbarashada

WikiLeaks oo Daaha Ka Ragtay Qalab Casi ah oo Sirdoonka Mareykanka ee CIA Ay Ku Jabsadaan Internet-ka

WikiLeaks ayaa soo bandhigay qalabka Cherry Blossom ee ay adeegsato wakaaladda sirdoonka Mareykanka ee CIA kaas oo lagu jiheeyo adeegga WiFi kadibna laga ogaanayo dhammaan macluumaadka Internetka kuu yaalla ee kuugu kaydsan, waa qalabka ay ku jiheeyaan cid kasta oo ay doonayaan in macluumaad dheeraad ah ka helaan.

Khamiistii, 15, June ayaa WikiLeaks uu faafiyay silsilado documents ah oo ku saabsan qalabkan “Cherry Blossom”, kaas oo wakaalladda Sirdoonka Mareykanka CIA ay ku jabsato macluumaadka gaarka ah ee shakhisga u yaalla dhanka internetka iyo qalabka WiFi-ga, halkaas oo ay kala socdaan dhaqdhaqaayada e-maillada dadka, shirkadaha, dowladaha ay daneynayso wakaaladdu iney xaaladdooda si gaar ah uu ula socodo, waana sida ay sheegayso jariida Mediapart ee dalka Faransiiska.

Si kastaba, addeeggan Cherry Blossom ayaa hadda un la ogaaday in sirdoonka Mareykanku ay adeegsadaan kadib markii uu shaaca ka qaaday wabside-ka caanka ah ee xogaha qarsoon ee dunida ee Wikileaks.

Maandeeq FM

Related Articles

Close