arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Biyo Xireennada oo Keena in Dhul Ballaarani Ay Sababtooda u Qalalaan!

Tiro ka tirsan culumada deegaanka ayaa soo saartay natiijo ay ka gaareen saameynta taban(xun) ee biyo xireennada ay ku yeesheen Adduunka iyagoo xusay iney dhul ballaaran abaar ka dhigaan.

Khubaradan deegaanka ayaa yiri “Afarmeelood oo meel dadka adduunyada waxaa haysata biyo yari baahsan, waxaana sabab u ah biyo xireennada sii badanayay ee dunida, heerka kharash gareynta iyo dhismaha mashaariciida biyo xireennada aduunka waxay kor u sii dhaafeysaa illaa 2 trillion oo doolar Tobonkii sanno ee lasoo dhaafay”.

Tirkadoobyada la sameeyay ayaa tilmaamaya ayay yiraaheed “In 23% dadka dunida ay waayeen qeybo weyn oo ka mid ah ilihii ay  ka heli jireen biyaha oo ay ku waayeen biyo xireenno la dhisay, halka biyo xireennada ay ka faa’idaan koox yar oo qura, arrintaas oo khatar badan ku ah nidaamka deegaanka adduunka”.

Khubarada ayaa farta ku fiiqay saameynta biyo xireennada ay ku yeesheen dhul aad u ballaran iyagoo tusaale u soo qaatay biyo xireen laga sameeyay wabiga Yellow River dalka Shiinaha, kaas oo markii dambey ay ka dhasheen in dhul aad u ballaaran oo markii hore biyo si fiican u heli jiray uu qalalo dhulkaas oo u badnaa waliba daafihiisa. Waxaa kale oo ay tusaale u soo qaateen biyo xireen kale oo laga sameeyay walbiga Ganges river ee dalka India kaas oo ay ka dhasheen in dhulbadan oo wabiga hareerihiisa ah ay qalalaan, biyo xireen Turkigu ay ka sameysteen wabiga Euphrates oo isagana ay ka dhasheen biyo yari deegaannada hareeraha wabiga ee Ciraaq iyo Suuriya.

Si kastaba,  biyo yarida dalkeennada laga dareemayo sanadadii lasoo dhaafay gaar ahaan wabiga Shabeelle waxaa sabab u ah, ayaan oran karnaa, biyo xireennada dawladda Itoobiya ay korontada ka dhalineyso ee gudaha dalkeeda ay ka yagleelayso.

biyo xireen

Maandeeq FM

Related Articles

Close