arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Madaxweyne Gaas: Barbaarinta Wanaagsan ee Ubadkeenna Waa Waajibaad Diini ah oo Qof Kasta Saaran

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta caruurta Afrika ayaa sheegay in Puntland ay dhowrasyo xuquuqda caruurta isla markaana barbaaritoodu ay tahay waajibaad diini ah oo qof kasta oo muslim ah laga rabo.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa qabatay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee caruurta Afrika, maalintaas oo ku beegan 16. June ee sanad kasta.

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimayay oo uu ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalinimadii Sabtidii ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

“Waxaan u mahadcelinayaa wasaaradda waxbarashada, oo sanad walba qabata xuska maalinta caruurta Afrika taas oo runtii caddayn u ah sida ay ugu heellan yihiin kobcinta caruurteenna.  daryeelka, waxbarashada iyo barbaarinta wanaagsan ee dhallaankeennu waa shaqada ugu wanaagsan oo ay tahay iney bulshadu ay tahay iney wakhtigooda galiyaan, si loo helo dhallaan tacliin iyo tayo wanaagsan leh, barbaarinta wanaagsan ee caruurteennu waa waajibaad diini ah oo saran qof walba, ilimahaagu si aad u tarbiyayso ayuu u ekaanayaa”, ayuu yiri madaxweyne Gaas.

“Dowlada Puntland waxay qeyb ka tahay dhaqangelinta xeerarka ee dhowrista xuquuqda caruurta, kaas oo ka kooban Afar qeybood oo kala ah, badbaadin, horumarin, difaacid iyo ka qeybgelin”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynuhu.

Maalinta caruurta Afrika ayaa sanad kasta waxaa looga dabaaldagaa dalalka Afrika 16, Juun, iyadoo la isku booriyo xaquuqda caruurta, waxbarashadooda iyo bartaarintooda si wanaagsan oo heer sare ah.

maalin caruurta Afrika

Maandeeq FM

Related Articles

Close