WacyigelinWararkaWaxbarashada

Qofka Dhadhamiya Xanuunka uu Dulmigu Leeyahay Waxaa u Habboon Inaanuu Cidna Dulmin

Waxaa la sheegaan in boqor uu lahaa wiil uu si wanaagsan ugu diyaarinayay inuu kala wareego boqortooyada, waxa uu guriga u keenay nin xakiim ah oo waxbara.

Ninkii xakiimka ahaa waajibkii la saaray si wanaagsan ayuu uga soo baxay; taas oo ka dhigtay in amiirkii yaraa uu aad u jeclaado, natiisana uu ka hormariyo.

Maalin maalmaha ka mid ah, iyadoo wax sabab ah oo ku kalliftay aaney jirin, ayaa xakiimkii si lama filaan ah inta uu dhirbaaxo iska soo jaray uu fara-gorgor ku dhuftay amiirkii yaraa.

Arrintaasi amiirkii yaraa fajiciso ayay ku noqotay, waa nabar aanuu fileyn qof uu jecelyahana dhankiisa kasoo gaartay, wuu iska adkeystay aabihii umuu sheegin,  qiimeyn uu macallinkiisa u hayo darteed, laakiin arrinkii uur ku taallo ayuu ku noqday.

Sanado ayaa kasoo wareegay, amiirkii yaraa boqor ayuu noqday, iyadoo ay jirto in uu wali baarri u yahay macallinkiisa aadna uu u jecelyahay.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu si xushmadeysan macallinkiisa u waydiiyay sababtii dhirbaaxada aadka u kululeyd ku kalliftay isagoo aan wax khald ah aan sameyn?

Macallinkii xikmadda badnaa ayaa ugu jawaabay; horta maalintaa maxaad dareentay?

Waxa uu ugu jawaabay, waxaan dareemay inaad si dulmi ah igu dishay, waana iga go’i weyday, ayuu ku yiri.

Macallinkii ayaa u sheegay xikmadda dhirbaxada waxaanuu ku yiri, arrinkaas waa kan aan doonayay inaad ka fogaato marka aad boqor noqoto; qofka dhadhamiya dhibaatada dulmigu uu leeyahay waxaa u habboon inaanuu cidna dulmin.

dulmi11

Maandeeq FM

Related Articles

Close