arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Robot Saadaalinaya Natiijada Koobka Qaaradaha Adduunka ee 2017 (Muuqaal)

Robot la yiraahdo Baxter robot ayaa sanadkan saadaalinaya natiijada ciyaaraha koobka Qaaradaha Adduunka ee shalay ka bilowda ka Ruushka.

Duqa magaalada Moscow ayaa boggiisa rasmiga ah ku soo qoray iney sameeyeen robot saadaalinay natiijada ciyaaraha koobka Qaaradaha Adduunka, iyadoo saadaalinta la sameynayo ciyaar kasta ka hor muddo 1 saacad ah.

Robotka ayaa kala dooranaya Saddex geesoole oo mid kasta uu qoraal ku jiro. Labo ka mid ah waxaa ku jira magacyada kooxaha la saadaalinayo, halka mid kalena uu ku qoran yahay barbardhac.

Robot-ka ayaa waxaa la socda saddex kaamiro oo u suurtogelinaysa inuu kala doorto geesoolaha qoryatuurka, marka uu doorto ka dib waxa uu gacanta u galinayaa shaqaalaha robotka ee howshaa u xilsaaran.

Xafiiska warbaahinta ee robotka ayaa tilmaamay sida uu u xiisaynayo in saadaalinta robotku aaney ka yaraan doonin tii Akhtaboot (Paul) ee koobka adduunka 2010 ee Koonfur Afrika. Waxayna intaa sii raaciyay xafiisku: “Haddii ay badato saadaalinta khladan ee robotka in aan loo ogaalaan doonin ka qeybgalka koobka Adduunka ee 2018”, oo ka dhici doona isla dalka Ruusha.

Robotka Baxter ayaa isla shalay sameeyay saadaalintiisii ugu horreeysay ee guuleysata, isagoo saadaaliyay in xulka Ruushku ay ka guuleysan  doonaan New Zealand.

Maandeeq FM

Related Articles

Close