arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wadamada Ugu Fiican iyo Kuwa Ugu Xun ee Caruuri ku Nooshahay, Dalkeennu Kaalintee Ayuu Ku Jiraa?

Ururuka caalamiga ah ee “Childhood” ayaa soo saaray warbixin cusub oo ay daahaa kaga rogeen wadamada ugu liita ee caruuru ay ku nooshahay  dunida.

Norway iyo Slovenia ayaa noqday labada waddan ee ugu horreeya uguna wanaagsan dhanka caruurta, halka Niger uu noqday waddan ugu xun ee caruuri ku noolaan karto.

Warbixinta ay soo saartay “Childhood” waxay ka sameysay 172 dal oo ay ka bilowday wadamada ugu fiican iyadoo ku soo gabagabeysay wadamada ugu xun ee caruurtu xilli hore ay naftooda weyn karaan, iyadoo la tixgelinayo dhinacyo kala duwan oo nolosha ah, sida; dhimashada caruurta 5 jirka ka yar, cunno xumada, waxbarasho la’aanta, shaqaaleysiinta caruurta, guurka dagdag ah,  caruur yaraanta loogu guuriyo, caruurta dibjirka ah iyo dilka caruurta.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa ku jira kaalinta 168aad, waxaa inaga hooseeya oo kaliya Afar dal oo qura, Central African Republic, Mali, Angola, Niger.

10 Dal ee Ugu Heerka Sarreeya Nolosha Caruurta

Norway, Slovenia, Netherlands, Sweden, Portugal, Ireland, Iceland, Italy, Belgium.

10 Dal ee Ugu Xun ee Ubadku Ay Ku noolaadaan

Sierra Leone, Burkina Faso, South Sudan, Chad, Somalia, Central African Republic, Mali, Angola, Niger.

 

dalalka ugu fiican

happy children

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close