CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Dad Cudurka Shubanbiyoodka Ugu Geeriyooday Gobolka Sool

Cudurka Shuban-biyoodka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dillaacay deegaanno hoos yimaadda gobolka Sool, iyadoo hadda ay la ildaran yihiin dad tiro badan, halka 2 qofina ay u geeriyoodeen.

Deegaanka Kalabeyr ayaa waxaa hadda cudurka la ildaran in ka badan 200 oo ruux, halka ay u geeriyoodeen illaa iyo hadda 2 ruux oo cudurka sababsaday.

Waxgarad ka tirsan Koonfurta Sool ayaa Goobjoog oo ay bahwaadg yihiin Maandeeq FM u sheegay iney jirto dawo yar, waxaan hadalkoodii ka mid ahaa:

“Waxaan loo baahan yahay gurmad degdeg ah, xaalad adag baa jirta, dawo ma lahe, waa in shacabkaan ku dhimanaya Sool dawo lala soo gaaro”, ayay yiraahdeen waxgaradka oo qaalo dhaan dirayay.

Gobolka Sool ayaa ka mid ahaa goobaha sida daran ay ugu dhufatay abaarta, haraadigii xoolaha halkaa ku dhaamaday iyo roobabka deegaannada ka curtay ayaana keenay cudurro uu ka mid ahay shuban-biyoodka oo deegaannada ka dillaacay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close