arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Madaxweyne Gaas oo Abaalmarinno Qaali ah Guddoonsiiyay Ardaydii Ku Guuleystay Tartanka Qur’aan Akhriska ee Heer Puntland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Isniintii ka qeybgalay gunaanadka tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee heer Puntland ayaa abaalmarinno qaali ah guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartanka.

Munaasabad lagu maamuusayay tartanka oo ka dhacday masjidka al-Huda ee magaalada Garoowe ayaa waxaa soo qabanqaabisay mu’asasada al-Minhaaj oo sanad kasta tartanka soo qabanqaabisa.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horreyn u mahadceliyay qabanqaabiyayaasha tartanka iyo waalidiinta caruurtooda ay tartanka ka qeybqaateen, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Mahad waxaa iska leh intii soo qabaqaabisay xafladda, mahad waxaa iska leh macallimiintii soo barbaarisay dhalinyaradan tartanka ka qeybqaadatay, mahad waxaa iska leh waalidiintii sida wanaagsan u barbaariyay, dadaalka geliyay iney soo saaraan jiil wanaagsan oo akhlaaqiyaad fiican leh, iyana aad  iyo aad bay u wanaagsan yihiin. Guddiga qaban qaabada tartanka iyana mahad gaara baanu u celinaynaa, sidoo kale waxaanu u mahadcelinayaa intii ka qeb qaadatay tartankani hanoqoto mid wakhti geliyay iyo mid dhaqaale geliyayba”.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Gaas ayaa gaari “NOAH” guddoonsiiyay ardaygii galay kaalinta koowaad ee tartanka, iyadoo sidoo kale ardaydii kaalmaha hore gashay la guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan oo qaali ah.

gaas 1 Gaas

Maandeeq FM

Related Articles

Close