arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sawirro: Meeraha Jupiter oo Laga Soo Sheegayo Makhluuqaad Aad u Argagax Badan!

Meeraha Jupiter ayaa laga soo sheegayaa iney ku noolyihiin makhluuqaad aad u cabsi badan oo ku nool meerahaas, waxaana sidaa caddeynaya sawirro laga soo qaaday meeraha oo lagu caddeeyay barnaamij sawirrada loogu talogalay oo la yiraahdo Deep Dreem.

Barnaamijka la yiraahdo Deep Dream ee sawirrada lagu caddeeyo ayaa waxa uu sawirka ka dhigaa mid aad u heer sarreeya oo si fiica loo arki karo.

Photo Graphics-ka weyn ee u dhashay dalka Mareykanka ee la yiraahdo Nick Stevens ayaa adduunka ka yaabiyay kadib markii uu caddeyn ku sameeyay sawirro laga soo qaaday meeraha Jupiter oo ay soo qaadeen cirbixyeennada NASA, sawarrada ayaa markii la caddeeyay kadib waxaa kasoo muuqday makhluuqaad aad u cabsi badan oo laga argagaxay.

Photo Graphics-ka yaa sawirka soo dhigay bartiisa Twitterka, cidda ka shakisana waxa uu ka codsaday iney adeegsadaan isla barnaamijkii uu istcmaalay ee Deep Dream, waxa uu u baallanqaaday iney natiijadu isku mid noqoneyso.

Waxaa xusid mudan in meeraha Jupiter uu yahay meeraha ugu da’dweyn ee ka tirsan nimaadka qorraxdeenna, waana sida ay saynisyahannadu sheegayaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close