DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Somaliland: Imtixaanka Shahaadiga ah oo Lagu Soo Ragay Shuruudo Adag oo Lagula Dagaallamayo Qishka

Masuliyinta Ugu Sareysa Wasarada Waxbarashada Somaliland Oo Warbaahinta kula hadlay magalada Hargeysa ayaa waxa ay soo bandhigeen shuruudo adag oo ay kula dagaallamayaan qishka iyo khiyaamada imtixaanka shahadiga ah ee dugsiyada sare.

Gudoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Ee Soomaaliland Daa’uud Axmed Faarax oo ugu horreen goobta ka hadlay ayaa ardayda si adag uga digay mobillada iyo ka dib dhaca imtixaanka, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxyaalaha ugu horreeya ee ardayda laga mamnuucay waxaa ka mid ah, mobilka,  ardayow haddaad mobilka goobta imtixaanka la timaaddo imtixaan laguu oglaanaya majiro haddii aad indhaha dhiig ka keento, haddii goobta imtixaanka aad ka maqnaato 15 daqiiqo isagana haku soo lug go’in, “.

Agaasimaha Guud Ee Wasarada Waxbarashada Maamulka Soomaaliland

Cabdi Cali Jaamac oo isna gooba ka hadlay ayaa digniin u diray barayasha ilaalada ka noqonaya imtixaanka iyo dad uu ku tilmaamay iney yihiin kuwo lagu khasaaray:

“Waxaan Shuruuc u soo saarnay ilaaliyayaasha, waxay caadeysteen iney la mucaamilaan ardayda, taasi ma suurogaleyso looma dulqaadanayo maanta laga bilaabo, macallinka la arko inuu la mucaamilayo ardayga wixuu ku waayi karaa shaqadiisa. Waxaa jira iyaguna qaar dibadda kasoo caawiya oo sheeganaya iney tacliin leeyihiin oo qaarkood macallimiin yihiin oo kasoo shaqeynaya imtixaankii oo soo diraya, kuwaas waxaan leeyahay waxba ma aydaan baran aqoontiinnii waa lagu khasaaray, aqoontiinni halkii aad wax ugu tari lahaydeen waddankiinnii ayaad ku dumiseen, tiir ka mid ah waxbarashadii ayaad dumiseen, adiga waxa naga dhexeeyaa waa inaan sharciga kugu tiigsanno”.

Wasiirka wasarada waxbarashada maamulka soomaaliland  C/Laahi ibraahim Habane oo ugu dambeyn goobta ka hadlay ayaa waalidiinta ubadkooda ay imtixaanka ka qeybgalayaan ugu baaqay iney ilmahooda kula soo dardaarmaan oo ay ka reebaan mobillada:

“Waalidow ilmahaagu yaanuu kusoo talogelin usheego, Hooyoy mobilka iska dhig, aabow mobil ha qaadanin, tayada si loo gaaro waa in la iska ilaaliyo khiyaanada , Qishka iyo eegashada, Kitaab fasaxayaa qishka majiro, shahaadaha qishka lagu gaaro haddii aad ku shaqo tagto ubadkaagu waxay cunayaanna waa xaaraan, mootankeennu waxa weeyaan tayaynta waxbarashada iyo la dagaallanka qishka”.

Si kastaba, 1, July, 2017 ayaa loo ballansan yahay in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare uu ka bilowdo guud ahaan Somaliland.

imtixaanka Somaliland

Maandeeq FM

Related Articles

Close