arrimaha bulshadaTiknoolojiyadaWararka

Dubai oo Sanadkan Gudihiisa Dhaqangelinaysa Taxi Hawada Ku Socda oo Automatic Ah (Muuqaal)

Magaalada Dubia ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday iney hirgelinayso taxi(Autonomous air taxi) kii ugu horreeyay ee hawada sare ku socda oo isagu iskii isku kaxaynaya amaba automatic ah.

Hay’adda waddooyinka iyo isgaarsiinta magaalada Dubai ayaa sheegtay in taxigan cusub suuqyada lagu sii dayn doono kadib marka la hubiyo dhammaan shuruudaha ammaanka iyo nabadgalyada ee taxi-ga iyagoo tilmaamay iney heshiis la gaareen shirkadda Jarmalka ee Volocopter Company ee ku takhasasustay sameynta diyaaradaha automatic-ga ah ee hawada sare.

Madar al-Daari oo ah madaxa hay’adda waddooyinka iyo isgaarsiinta Dubia ayaa sheegay in nooca taxi-ga  ay soo wadaan uu yahay mid qaada Labo ruux, isagaa is kaxaynaya si automatic ah oo cidi ma waddo, waxa uu ku shaqeynayaa tamarta korontada, isku halleyntiisuna waa mid aad u heer sarreysa.

Taksigan ayaa u xayiran oo kaliya in shirkadda soo saartay ee keento tiradii laga dalbaday iyo in la sameeyo shuruucdii lagu maamuli lahaa ee lagu xakameyn lahaa xadgudubyada ka dhanka ah taksiyadan casriga ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:

Maandeeq FM

Related Articles

Close