JaamacadahaTiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Hubka Qarnigan 21aad ee Adduunyadu Ku Dagaalameysaa Nukliyeer Ma aha!

Saynisyahanno badan ayaa aaminsan in xilligan dunida lagu tartamayo hubka ka duwan Nukliyeerka iyo guud ahaan hubka noocyadiisa kala duwan, hadaba muxuu yahay hubka cusub ee ay adduunyadu ku dagaallami doonto mustaqbalka?

Su’aashaas ayaa wax laga weydiiyay saynisyahanka weyne ee  reer Fransiis iyo caalimka cilmiga mustaqbalka odorosa ee Jean-Christophe Bonnie, ayaa waxa uu ku jawaabay:

“Mandela ayaa qoray sanadkii 1995, in aqoontu ay noqon doonto hubka adduunka ee qarniga 21aad, iyadoo bedeli doonto hubka nukliyeerka iyo kan sida weyn wax u gumaada..sida aan aaminsanahay Qarnigan 21aad in nimaadka maskaxda ganacan ku sameyska ah ee Smarts-ka ah ay noqon doonto hubka lagu dagaallamo, uma baahno Uranium, warshado waaweyn iyo walxo ay adag tahay in la helo, waxay u baahan tahay sameynteedu maaddooyinka Silicon iyo koronto oo qura”.

Caalimka ayaa hadalkiisa sii raaciyay; “Nidaamka maskaxda smarts-ka ah in uu yahay mid aan la ilaalin karin, sida loo ilaaliyo hubka Nukliyeerka iyo Uranium-ka iyo Plutonium Iran ama Kuuriyada Waqooyi oo kale, arrintaas oo ka dhigeysa hub caadada ka baxsan oo aan la saadaalin karayn dhibaataada uu geysan karo”.

Ugu dambeyn, maskaxda Smarts ama gacan ku sameyska ah ee computerrada iyo aaladaha robot-ka ah ayaa ah mid aqoon ku dhisan horumarkeeduna uu u baahan yahay cilmi dheeri ah iyo inaad dunida inteeda kale kaga dheerayso maadama waxyaabaha laga sameyn karo ay meel kasta iska yaallaan oo la heli karo. sidaa darteed qanigan aan ku jiraa waa kii aqoonta.

maskaxda smarts ka ah

Maandeeq FM

Related Articles

Close