CaafimaadkaWararka

ICRC: Waxaan Wax Ka Qabannay Xoolo Badan Oo uu Dhibaateeyay Gendi Gudaha Soomaaliya

Hay’adda ICRC ayaa waxay sheegtay iney wax ka qabateen cayayaan yar oo dhibaato xoog leh ku hayay xoolaha nool cuduradan u sababi jiray.

ICRC ayaa ka hadashay in Gendi(tsetse) dilaa ah oo xoolaha dhibaato farabadan ku hayay, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha dalka ay waxbadan ka qabteen, waxay sheegtay hay’addu in  xoolihii la daweeyay ay bilaabeen in laga si fiican oo wanaagsan looga nacfiyo.

Cayayaanka Gendiga ayaa la sheegayaa inuu soo baxo xilli roobaadka oo uu dhibaateeyo xoolaha isagoo aad ugu badnaa gobollada Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka.

Massimo Zecchini  oo ka tirsan ICRC ayaa yiri: “Waxaan hakinnay tarankii Gendiga, inaga oo sameynnay 2,00 oo dabin ah iyo daaweyn illaa 500,000 oo lo’ ah ee xagga dhulka wabiyada”.

tsetse-calf

Maandeeq FM

Related Articles

Close