arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Lubnaan oo Lagu Qabtay Bandhig Carweedkii Ugu Weynaa ee Qaar Ka Mid ah Alaabihii Uu Adeegsan Jiray Nabi Maxamed N.N.K.H

Bandhig Carweed lagu soo bandhigay waxyaabihii laga helay raadkii Nabi Maxamed N.N.K.H, ayaa aad u soo jiitay dadkii booqashada ku tagay xarunta lagu qabanqaabinayo bandhigga ee magaalada Tripoli ee dalka Lubnaan.

Carwadan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay jamciyad la yiraahdo (أكيد فينا سوا) Iyo carwada amaanaadka Nabiga, waxaa lagu qabaneyayaa xarunta dhaqanka ee al-Safadi, waxaana hirgelinaya ra’isul wasaaraha dalka Lubnaan ee Sacad al-Xariiri, iyadoo bandhiggan carwada ah qabanqaabadiisu ay qaadatay muddo sanad iyo bar ah.

Qolooyinka diyaarinayay carwadan ayaa aaminsan iney tahay “Carwadii ugu ballaarneyd ee lagu soo bandhigo amaanaadkii Nabi Maxamed N.N.K.H, ee raadkeeda laga helay daafaha dunida”.

Bandhig carweedkan ayaa dadka ka qeybgalay waxay arkayaan raadkii Nabi Maxamed, Qaar ka mid ah alaabihii uu is ticaali jiray ee laga helay masaajidda iyo mutxafyada Sucuudiga, Turkiga, Masar, Suuriya, Lubnaan, Pakistan, India, Afgaanistaan boqolaal sanno ka horna ahayd.

Bandhigga carwada ayaa loo qeybiyay illaa dhowr qeybood oo lagu dhajiyay sawirro Kacbada, Burdihii(bustihii) Nabiga, khamiiskiisii, dharkisii, kabtiisii uu u hadiyeeyay Suldaan Cabdi al-Xamiid reer Tripoli markii uu soo booqday.

Sidaas oo kale waxaa carwada lagu soo bandhigay alaabo kale oo ay adeegsan jireen ahlu-baydkii Nabi Maxamed, Khulafaa’u Raashidiin, saxaabadiisii, raadadkii qadiimiga ahaa ee xaramyada Makka, Madiina, al-Qudus al-Shariif.

Violet Safadi oo ah madaxa jamciyadda soo qabanqaabisay bandhigga oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tiri:

“Bandhiggan carwada waxaan ku arki karnaa wax kasta oo yaalla Turkiga, Sucuudiga, Masar, Pakistan, Falastin iyo wadamo kale, fikradda ah in bandhiggan oo kale la abaabulaa mid aad u qiimo badan ayay ahayd”.

Waxay ka hashay danta ugu weyn ee ay carwadan ka leeyihiin iney tahay iney dadka u fududeeyaan meelo kala giddisan dunida u booqan jirayay raadadakan iney hal meel oo qura iskugu keeneen:

“Sabab aan wadamo kale ugu safarnaa ma jirto, waxaan jecleysannay in adduunku uu nagu soo booqdo Lubnaan, gaar ahaan magaalada Tripoli si ay u daawadaan carwadan gaarka ah”.

Bandhiggan ayaa Ramaadaan inta ka harsan albaabada loo furayaa dadka booqanay kadib salaadda taraawiixda illaa 1:00 am ee habeennimo.

lubnaan lubnaan1 lubnaan2 lubnaan4

Maandeeq FM 

Related Articles

Close