arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Madaxtooyada Soomaaliya oo Kafaalo Qaadday Nolosha Agoonta Degmada Afgooye

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kafaalo qaaday nolosha caruurta agoonta ah ee dagmada Afgooye.

Sida aanuu ka soo xigganay wakaaladda wararka ee SONNA, agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu madaxweynuhu u wakiishay inuu deeqda ka gaarsiiyo xarunta agoomaha degmada Afgooye ee Ex-Xarunta agoonta gabdhaha ee Kacaanka iydoo canug kasta oo xarunta ku nool la guddoonsiyay $110 oo xaqal ciid ah.

“Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejinno carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuunno kala duwan ugu maqanyihiin, canugiiba aan u keennay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli, waxaana kaloo rabnaa in aan halkan ka cadeeyo aniga oo ku hadlaya magacaga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha carruurta ay Madaxtooyada qaabileyso bilkasta” ayuu yiri Cabdinuur.

Faadumo Axmed Jimcaale oo ah haweenayda maamusha xaruta agoonta ee degmada Afgooye ayaa sheegtay in burburkii ka dib ay u soorto gashay iney dib u yagleelaan xarunta agoontaa ee degamada Afgooye.

Tallaabadan uu qaaday madaxweynaha ayaa ka faraxisay caruurta xarunta ku jirtay, iyagoo ciidda kala qeybqaadan doona caruurta kale ee farxaysa maalinta ciidda soonfur ee foodda inagu soo haysa.

farmaajo

Maandeeq FM

Related Articles

Close