WararkaWaxbarashada

Shir Looga Hadlayo Qorshe Howleedka Wasaaradda Waxbarashada DFS oo Muqdisho Ka Furmay

Shir looga hadlayo qorshe howleedka wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaaanta ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegaysa in shirka looga hadli doono manhajka mideysan, shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla wasaaradda iyo tayaynta shaqaalaha wasaaradda.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay howlwadeennada wasaaradda iyo aqoonyahanno la filayo iney ka talo bixiyeen howlaha hortabinta leh ee ka midka ah qorshe howleedka shaqo ee wasaaradda horyaalla mudada soo aaddan.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ay ku dhawaaqday 11, June, 2017, inaanuu khuseyn manhajka mideysan ee wasaaradda waxbarashada u qorsheynayso iney ka hirgeliso gudaha dalka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close