arrimaha bulshadaWararka

1300 Caruur ah oo Rasaas Ugu Dhinta Gudaha Dalka Mareykanka

Tiro koobyo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 1300 oo caruur ah oo da’doodu ka hooseeyso 17 sano ay ku dhintaan sanadkii xabad, halka ay dhaawacmaan 5800 oo kale oo ay soo gaaraan dhaawacyo kala duwan.

Kooxdan tiro koobka sameysay oo ka tirasan xarunta cilmibaarista ee xakameynta iyo ka hortagga cudurrada ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in inta badan caruurta rasaasta ku dhimataa aaney cidi soo gaarsiin xarumaha ammaanka.

Dhimashooyinkaa inta badan ma aha kuwo ku cusub dalka Mareykanka, sida xaruntani ay sheegayso, 53% waa kuwo si bareer ah loo toogtay, halka 38% ay iyagu naftooda gooyaan oo ay rasaas isku dilaan.

“Caruurta rasaasta u dhimata ayaa ah sababta Labaad ee ugu badan ee caruurtu ay u dhintaan dalka Mareykanka, waxaa ka sarreeya oo kaliya kuwa ku dhinta shilalka gaadiidka oo ugu badan dhimashada caruurta ee dalkaas”, waana sida ay sheegeen kooxda cilmibaarista oo warbixitooda ku soo daabacay jariidad ka faalloota caafimaadka caruurto oo ka soo baxda gudaha Mareykanka.

Waxaa shaki la’aan ah in barnaamijyada lagu dhiirigelinayo caruurta si ay u maareeyaan dareenkooda xilliyada ay dhibaataysan yihiin ama xiriirrada bulshada, iskuulka, qaabka ay ula dhaqmayaan asaaggood ay qeybweyn ka qaadato ka hortagga cunfiga iyo dilalka ay dhibaatada ka soo gaarto caruurta.

Guns kill

Maandeeq FM

Related Articles

Close