arrimaha bulshadaWararka

Madaxweyne Farmaajo oo Dhiirigelin U Sameeyay Arday Kusoo Guuleystay Tartan Caalami ah oo Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah

Madaxweyne Farmaajo oo Dhiirigelin U Sameeyay Ardaygii kaalinta Koowaad Kusoo Guuleystay Tartanka Caalami ah oo Qur’aanka Kariimka ah laguna qabtay dalka Tanzania

Sida aan kasoo xigannay wakaaladda wararka ee Sonna madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Qasriga madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Maxamed Cabduulaahi Aadan oo kaalinta Koowaad ka galay tartanka Qur’aanka kareemka ah ee lagu qabtay dalka Tanzania.

Maxamed Cabdullaahi oo 12 jir ah ayaa waxa uu tartankaa caalamig ah u matalayay Soomaaliya, iyadoo ay ka qeybgaleen dhowr iyo tobon dalka oo uu dalkeennu ku jiro.

11, June, 2017, ayaa tartankaa lagu soo gabagabeeyay gudaha dalka Tanzania iyadoo xafladdii gabagabada ay ka dhacday garoonka weyne ee National Stadium ee dalkaa oo ay dad soo buux dhaafiyeen, iyadoo la ogyahay in garoonkaasi uu qaado illaa 60,000 oo ruux.

Si kastaba, dhiirigelintan ayaa wax weyn u noqoneysa dhammaan ardayda barata Qur’aanka kariimka ah ee ku taameysa iney la mid noqoto Maxamed Cabdullaahi Aadan oo ku guuleystay abaalmarinno caalami ah.

farmaajo farmaajo 4

Maandeeq FM

Related Articles

Close