CaafimaadkaWararka

Qaab Cilmiyeed Fudud oo Lagu Ogaan Karo Biyaha uu Maalintii Jirkaagu u Baahan Yahay

Khubarada caafimaadka ayaa ku talinaya in qofku uu maalintii cabo biyo ku filan, waxay daawo u yihiin biyuhu mushkilado iyo cillado badan oo ay dadku ka cawdaan, laakiin dadka intooda badani ma cabaan biyo ku filan.

Xarunta cilmibaarista caafimaad ee “Mayo Clinic” ee gobolka Minesota ee dalka Mareykanka ayaa soo bandhigtay in qofka ragga ah maalintii looga baahan yahay inuu cabbo 13 koob oo biyo ah dhexdhexaad ahaan, halka qofka dumarka ahna looga baahan yahay illaa 9 koob oo biyo ah iney maalintii habto.

Laakiin jirka bani’aadamku isku mid ma aha, isku baahina maaha, hadaba si aad u ogaato inta jirkaagu u baahan yahay ee biyo ah waxaad raaci kartaa tallaabooyinkan cilmiga ah ee soo socoda:

Tallaabada 1aad: Miisaan jirkaaga Ibs, waxaad u qeybisaa 2.2

Tallaabada 2aad: Tirada kuu soo baxda ku dhufo da’daada

Tallaabada 3aad: Tirada kuu soo baxda u qeybi 28.3

Tallaabada 4aad: Tirada kuu soo baxaysaa waa qiyaasta biyaha uu jirkaagu u baahan yahay maalintii, haddii aad dooneyso natiijada inaad koob ka dhigato, tirada kuu soo baxday ee ugu dambeysay ayaad 8 u qeybineysaa, iyadoo la ogyahay in 1 lbs= 0.45Kg.

Haddii aad Sports-ka ciyaarto waxaa hubaal ah inaad u baahan tahay biyo ka badan dadka kale, si jirkaagu uu dib ugu soo ceshado biyihii ka baxay xilliga Sports-ka aad sameynayso.

biyo

Maandeeq FM

Related Articles

Close