DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Stephen Hawking: Waa in Aadanuhu Sida Ugu Dhakhsiyaha Badan Uga Guuraan Dhulka

Caalimka reer Ingiriis ee Stephen Hawking  ayaa ku baaqay in aadanuhu uu 30 sanno ee soo aaddan gudahood uga guuro dhulka dushiisa, waxaan arrinkan ka sheegay dabaaldagga weyn ee fanka iyo cilmiga ee Starmos 4, taas oo lagu qabtay sanadkan magaalada Trondheim ee dalka Norway.

Sida uu caalimkani sheegayo, mudada 30 sano ah ee soo aaddan wey ku filan tahay in saldhig laga sameyso dayaxa dushiisa, halka 50 sano gudahood lagu dagi karo, ayuu leeyahay, meeraha Mars, waxa uu ku baaqay in hawada sare loo diray samballo dhir ah oo la eego in meelahaa la sahminayo ku beermayaan iyo in kale, “Waxaan ku qanacsanahay in aadanuha uu dhulka ka guuro, aad ayuu inoogu soo koobmayaa, ilaha khayraadka dabiiciga ahna si xoog ah ayaa loo isticmaalayaa arrintaas oo khatar keenaysa”, ayuu yiri Stephen Hawking.

Waxa uu caalimkani hoosta ka xarriiqay in haddii dhulka laga guuro ay keenayso in laga fogaado mushkilado farabadan oo la xiriira is ciriirinta aadanaha iyo mashaakilka kale ee ku saabsan dhanka cimilada sii xumaaneysa. Horumarka laga sameynayo culuumta hawada sare ayuu ku tilmaamay iney la mid tahay hellidii Christopher Columbus ee qaaradda America, waxaanuu tilmaamay in la isku ballaariyo hawada sare oo deegaan laga dhigtaa ay tahay wadada looga baahan yahay inuu qabsado horumarka dabiiciga ah ee aadanaha.

Tani markii ugu horreysay maaha ee Hawking uu ku baaqo in deegaanno kale oo aan dhulka ahayn la raadiyo. Caalimkan ayaa shacbiyaddiisu korortay kadib markii uu qoray buuggiisa “Taariikhda kooban ee Xilliga” April, 1988, kitaabkaas oo loo tarjumay illaa Tobaneeyo luqadood laga daamcay in ka badan 10 milyan oo nuqul.

Stephen

Maandeeq FM

Related Articles

Close